15.7 C
London
Thursday, October 16, 2025

Ma dhab baa in Xubnaha Dowladda Federaalka ee dhawaan gaaray Magaalada Beledweyne loo diiday in ay gaaraan Degmada Matabaan?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, February 15, 2007(HOL): Iyadoo booqsho ay ku kala bixinayaan qeybaha gobalku ka kooban yahay Xubnihii dowlada ee dhawaan soo gaaray Gobalka hiiraan, ayaa hadana warar soo baya waxaa ay sheegayaan in laga hor istaagay in ay tagaan Degmada Matabaan oo ka tirsan Gobalka Hiiraan, islamarkaana dhawaan ay soo gaareen ciidamo ka yimid dhinaca degmada Dhuusa-Mareeb ee Gobalka Gal-gaduud.

 

Xubnaha dowlada oo uu hor kacayo Wasiirka wasaarada Waxbarashada C/raxmaan Cabdi Waare oo qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka ka dhisay Maamulo ku meel gaar ah  ayaa sidoo kale Qorshahoodu ahaa in ay booqdaan dhinaca Degmada Matabaan si ay ula hadlaan dadka degmada, taasoo Maamulka degmaduna ka ogolaaday, lakiin markii danbe ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan dhinaca Maamulka Gobalka Gal-gaduud ku war galiyeen sida wararku sheegayeen kan degmada Matabaan in aysan halkaa iman karin  Xubno ka tirsan Dowlada,  balse ay soo dhaweynayaan hadii ay halkaa soo gaaraan iyaga  oo aan aheyn mas’uuliyiin dowladeed.

 

Arintan ayeey wararku intaa ku daryaan in ay sabab u aheyd ciidamadii dhawaantan soo buuxiyay degmada Matabaan, si markaa ay is hortaag ugu sameeyaan  imaashaha Mas’uuliyiinta Dowlada ka socda ee Booqanaya Gobalka hiiraan.

 

Gudoomiyaha Degamada Matabaan  C/laahi warsame daba-gooye oo ay la xiriitay HOL ayaa sheegay in hada ay dib u laabteen ciidamadii soo gaaray degmada Matabaan ka dib sida uu hadalka u dhigay xiriir dhax-maray maamulkiisa iyow waliba kan degmada Dhuusa-mareeb oo ay ciidamadani ka soo anba baxeen, waxaana uu intaa raaciyay in aysan jirin cid iska hor taagi karta degmada in ay soo gaaraan xubnaha dowlada ee jooga gobalka,

 

Lakiin Mid ka mid Xubnaha dowlada ee ku sugan gobalka ayaa u xaqiijiyay  HOL jiritaanka tuhunka arintaa ku saabsan, lakiin waxaa uu ka gaabsaday in ay tagayaan degmada iyo  in kale, Xubaha dowlada ee uu hor kacayo wasiirka wasaarada Waxbarashda ayaa dhawaan waxaa ay maamulo u sameeyeen  degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi,  Walow markii danbe  maamulka laga dhisay degmada Buula-burte ay godood ka sameysay mid ka mid Beelaha dega degmada oo iyadu  in maamulkaasi yahay mid aan si cadaalad ah loo dhisin.

 

Ciidamada Dowlada Federaalka ee ku sugan Gudaha Magaalada B/weyn ayaa bilaabay xiliga habeenkii  howl-galo ay ku sugayaan nabad-galyada, wixii ka danbeeyay Qarxyada is daba jooga ah ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho, iyo waliba kii ugu daneeyay ee dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoo kol horana  Ciidamada boolisku sheegeen in ay heleen warar sheegaya in ay magaalada soo galeen dad doonaya in ay qaraxyo geystaan.

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).