15.7 C
London
Thursday, October 16, 2025

Wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Mahadaay oo 24-kii saac ee u dambeysay dad safar ah lagu dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, February 15, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ay kooxo burcad ah 24-kii saac ee ugu dambeysay ay dad ku dileen inta u dhaxeysa Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee gobolka Shabeelada Dhexe.

 

Shalay galabtii ayaa gaari mini Bus ah oo ay saarnaayeen Dad ganacsato ah oo ku sii jeeday Tuulada Biyo Cadde waxaa lagu weeraray meel 4km u jirta Degmada Mahadaay, waxaana weerarkaas ku geeriyooday labo ruux oo ka mid ah dadkii ganacsatada ahaa ee gaariga saarnaa.

 

Xaaladda Degmada Mahadaay ayaa saakay kacsan waxayna dadka deegaankaas olole ugu jiraan sidii ay uga hortegi lahaayeen kooxahasa burcadda ah ee deegaankooda ka dilaacay, wuxuuna Xaaji Haaruun Nuur oo dadka deegaanka ka mid ah uu sheegay in ay ka hortegayaan kooxahaas burcadda ah ee dadka safarka jidka u gala.

 

Maalin ka hor ayaa meel aan u dheereyn deegaankaas waxaa lagu dilay nin ka mid ahaa rakaab saarnaa gaari Bus ah oo ku sii jeeday Gobollada Dhexe, waxaana kadib dhac loo geystay dadkii gaarigaas saarnaa.

 

Wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Mahadaay kaliya ma ahan meelaha nabadgelyo darrada laga soo sheegayo, waxayna xitaa kooxaha burcadda ah ka dilaaceen gudaha Magaalada Jowhar oo ay habeenkii bilaabeen in ay dadka ku dhacaan, iyadoo taasina ay dadka Jowhar ku qasabtay in aysan habeenkii guryahooda ka soo bixin.

 

Nabadgelyo darrada ka soo cusboonaatay deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxay timid kadib markii maamulkii Maxamed Dheere ee shanta sano ka talinayay gobolkaas xilkii laga wareejiyay, isla markaana ay Dowladda Federaalka maamul kale u magacawday Gobolka, kaasi oo aan ilaa iyo haatan howl bilaabin.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).