Khamiis, February 15, 2007(HOL):: Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarrada iyo falalka nabadgelyo darrada ah ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho.
Wasiirka waxaa uu sheegay in falalka nabadgelyo darrada ah ee magaalada Muqdisho ka dhacaya ay ka dambeeyaan kooxihii ka haray Maxkamada Islaamka, wuxuuna sheegay in ay kooxahaas dowladda tallaabo ka qaadi doonto dhawaan.
Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere oo u waramayay Wargeyska Asharqul Awsat ayaa wuxuu sheegay in ay Dowladda Federaalka diyaarineyso qorshe lagu sugayo ammaanka dalka Soomaaliya oo tan iyo wixii ka dambeeyay 1991-kii qas iyo fowdo ku soo jiray.
Mar uu ka hadlayay dhinaca Dib u heshiisiinta waxaa uu sheegay in ay Dowladda Federaalka damacsan tahay in ay wada hadal la gasho Mas’uuliyiinta Maxkamadihii Islaamka, iyadoo aan loo eegeynin xilalkii ay ka hayeen Golihii Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna caddeeyay in ay Dowladda Federaalka Dib u heshiisiin ku timid, sidaas darteedna ay la hadleyso cid kasta oo wada hadal iyo nabad wax ku dooneysa.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa dhawaan sheegay in ay dowladdiisu qabaneyso shir dib u heshiisiineed oo ay Dadka Soomaaliyeed isku saamaxayaan, walow uu xusay in aysan shirkaasi ka qeybgeli doonin dadkii ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka ee sida uu yiri dembiyada galay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online