15.7 C
London
Thursday, October 16, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo kulan ku wada leh Magaalada Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, Febraayo 14, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Mr. Syoum Mosfen oo shalay soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa haatan waxay kulan ku wada leeyihiin Xarunta uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka degan yahay magaalada Baydhabo.

 

Lama oga waxyaabaha ay ka wada hadlayaan labadan mas’uul oo markii seddexaad si gaar ah ugu kulmaya gudaha Soomaaliya, inkastoo loo maleynayo in ay ka wada arrinsanayaan arrimaha ciidamo keenista Soomaaliya iyo xaaladda Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Wafdiga la socda Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya Danjire C/kariin Faarax Laqanyo iyo saraakiil ka socota Dowladda Itoobiya iyo kuwo kale oo ka socda Urur Goboleedka IGAD, lamana oga ujeedada ay saraakiishaas u yimaadeen Magaalada Baydhabo.

 

Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Itoobiya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay wiiqantay awooddii maxkamadaha Islaamka waxay ku cel celinayeen in ay Ciidamadooda kala baxayaan dalka Soomaaliya, inkastoo dhawaqaas uu ahaa mid aan la fulin bacdamaa ay weli dalka Soomaaliya ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya.

 

Dowladda Itoobiya oo saaxib la ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa dalka Soomaaliya ka jooga Ciidamo tiro badan oo ay soo gelisay kadib markii ay dalka Soomaaliya ku baahday awooddii Maxkamadaha Islaamka, isla markaana ay Xoogaggii Maxkamadaha ay qarka u fuuleen in ay gacanta ku dhigaan magaalada kaliya ee ay ku sugneyd Dowladda Federaalka oo ah Magaalada Baydhabo.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, socdaalka uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ku joogo Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Magaalada Muqdisho ay weeraro kala kulmayaan kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, walow aan la soo werin ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo Muqdisho ku soo gaaray Ciidamada Itoobiyaanka tan iyo markii ay yimaadeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).