Arbaco, Febraayo 14, 2007(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa xalay lagu arkayay qaar ka mid ah Isgoysyada Magaalada Muqdisho iyagoo howlgallo sameynaya.
Ciidamada Itoobiyaanka ee dhawaan soo degay Isbitaalkii Digfeer ayaa waxay xalay ku sugnaayeen Isgoyska Tareebuunka, iyagoo baarayay gaadiidka halkaasi marayay, waxayna Ciidamo Soomaali ah oo kuwa Itoobiyaanka la socda ay dadka wata gaadiidka ay weydiinayeen su’aalo ay ka mid yihiin halka ay u socdaan, meesha ay ka yimaadeen iyo in ay wataan wax hub ah.
Sidoo kalena, Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa xalay waxay ka howlgaleen Xaafado ka mid ah Degmooyinka Shibis, C/Casiis, Boondheere iyo Wardhiigley, halkaasi oo habeenadii aynu soo dhaafnay ay ka dhaceen weerarro lala beegsada Hotello ay degan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana howlgalkaas soo dhaweeyay dadka ku dhaqan xaafadahaas oo qaati ka joogay kooxo hubeysan oo intey soo dhexgalaan weerara xarumaha ay degan yihiin Mas’uuliyiinta Dowladda.
Magaalada Muqdisho xalay waa ay deganeyd wax madaafiic iyo weerarro ahna kama jirin, waxaana la rumeysan yahay in ay taasi keentay howlgallada ay sameeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya, hayeeshee xalay Muqdisho waxaa lagu dilay labo nin oo rayid ah oo mid lagu dilay agagaarka Isbitaalka Al-Carafaat ee Wadada Warshadaha, halka midka kalena lagu dilay Nawaaxiga Jaamacaddii Gaheyr.
Lama yaqaano sababta loo dilay raggani balse waxaa loo maleynayaa in ay dilkooda ka dambeeyeen kooxo raadsanayay bacdamaa ninka lagu dilay agagaarka Isbitaalka Carafaat gurigiisa lagala baxay kadibna lagu toogtay iridka gurigiisa.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxay bilaabeen in ay dib u abaabulaan Ciidamo Madani ah oo si iskood ah ammaankooda u sugaya, wuxuuna abaabulkaas bilowday kadib markii ay kooxo nabadgelyo darro wada bilaabeen in ay xaafadaha dhexdooda ka weerareen Xarumaha Dowladda Federaalka, kadibna ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ah ay madaafiic waa weyn ugu jawaabaan halkii wax looga soo riday, sidaasna ay ku waxyeeloobeen rayid ah oo aan waxba galabsan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online