Talaado,
Shiikh Cali Xaaji Yuusuf waxaa uu sheegay in ay wax laga naxo tahay in ay dadka bilaabeen in ay ka qaxaan Magaalada Muqdisho kadib markii madaafiic lagu garaacay, wuxuuna caddeeyay in loo baahan yahay inay kooxaha muqaawamada ah ay weerada joojiyaan, dowladdana ay shacabkeeda soo dhaweysato.
Shiikh Cali Xaaji Yuusuf mar uu ka hadlayay Arrimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya waxaa uu sheegay in ay qabaan in ay Dowladda Federaalka wada hadallo la gasho mas’uuliyiinta Maxkamadihii Islaamka oo deegaanadii ay ka talinayeen nabadgelyo ku soo dabaalay, “Nimankaas Caalamka oo dhan wuxuu qorayaa in ay nabadgelyo ku soo dabaaleen deegaanadii ay ka talinayeen, sidaas darteedna waxaan is-leenahay waa loo baahan yahay in laga talo-geliyo xal u helidda mushkiladda Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Cali Xaaji Yuusuf.
Ku simaha Guddoomiyaha Dalladda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed Shiikh Cali Xaaji Yuusuf ayaa mar uu ka hadlayay sida lagu sugi karo Ammaanka Magaalada Muqdisho waxaa uu soo jeediyo in la soo celiyo Ciidamadii Ammaanka Xaafadaha, kuwaasi oo uu sheegay in ay garab u noqon karaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ma ahan Dalladda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo kaliya waxa baaqa nabadeed jeedinaya, waxaana baaqaas oo kale u diraya Dowladda Federaalka iyo kooxaha ay is-hayaan Dadka rayidka ah ee Muqdisho ku dhaqan, kuwaasi oo labadaas dhinac ka codsanaya in ay Madaafiicda ka daayaan, isla markaana ay u ogolaadaan in ay helaan xaqa ay u leeyihiin in ay noolaadaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online