Talaado, February 13, 2007(HOL): Dad qaxooti ah oo ka soo barakacay Gobollada Koofurta Soomaaliya iyo Kilinka shanaad ee is-maamulka Soomaalida, isla markaana ku noolaa ilaa seddex xero oo ku taala nawaaxiga Isbitaalkii Digfeer ee Magaalada Muqdisho ayaa isaga qaxay xeryihii ay deganaayeen kadib markii ay Isbitaalka Digfeer soo degeen Ciidamo Itoobiyaan ah.
Dadkaas soo barakacay oo hadana sii barakacay ayaa waxay ku sheegeen sababta ay xeryahooda uga qaxeen in ay ka baqayaan in ay waxyeello ka soo gaarto weerarro ay suurtagal tahay in Ciidamadaas lala beegsado, kadibna ay sidaas dhibaato ku soo gaarto.
Cumar Aadan Shiikh Maxamed Dhaqane oo ka mid ah dadka xerooyinkaas ku noolaa ayaa sheegay in dadkii ku noolaa xeryahaaas oo tiradoodu ay gaareysay 650 ruux ay qaarkood isaga yaaceen gudaha Magaalada Muqdisho, halka kuwo kalena ay u baxeen dhinaca Degmada Afgooye.
Dadkani barakacay ayaa waxay ahaayeen kuwo xooggooda ku shaqeysan jiray. Ragga oo kale waxay ku xamaashaan Gaari Gacanno, Haweenkana kuwa awoodda leh dushooda ayay wax ku qaadaan, wuxuuna dadkaasi haatan xaalkooda uu marayaa oraahdii la midka ahayd (Adigoo harsan waayay ma laguu soo hoyday?).
Dhanka kalena, weerarada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ku kacsan ayaa wuxuu sababay in ay guryahoodii ka qaxaan dad badan, waxayna dadkaasi u qaxeen deegaano ay is-leeyihiin naftiina waad ku badbaadin kartaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online