Talaado,
Nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo ah Afhayeenka Beeshaas ayaa shirkaasi kadib waxaa uu la hadlay saxafiyiinta, wuxuuna sheegay in ay si weyn uga xun yihiin hadalkii ka soo yeeray Salaad Cali Jeelle oo ahaa in Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Guddigii Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/qaadir Cali Cumar uu ka dambeeyo falalka nabadgelyo darrada ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.
“Shiikh C/qaadir Cali Cumar waa nin Shiikh ah oo Caalim ah oo dadka ay wada yaqaanaan, weligiisna dagaal kama qeyb-qaadan, xabad-na ma ridin, sidaas darteed haddii uusan Salaad Cali Jeelle u bareerin in uu dadka ku sheego wax aysan ahayn waa in uu hadalkaas raaligelin ka bixiyo”ayuu yiri Nabaddoon Axmed Diiriye oo sheegay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay in dadka soo dhaweysato oo aysan tuuryo u bilaabin iyadoo ku jirta sida uu u yiri guri muraayad ah.
Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in aan beel iyo shaqsi kaliya loo nisbeyn karin waxyaabaha ka dhacaya Magaalada Muqdisho, wuxuuna carrabka ku dhuftay in beeshooda ay tahay mid nabadeed, isla markaana uu Shiikh C/qaadir Cali Cumar uu yahay nin nabadda ka shaqeynayay, “Aqoon aan u leenahay Shiikh C/qaadir Cali Cumar ayaan ku difaaceynaa, waana nin nabadeed”ayuu yiri Axmed Diiriye oo sheegay in aysan sheegi karin meel uu haatan ku sugan Shiikh C/qaadir Cali Cumar.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Rag ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka oo uu ka mid yahay Shiikh C/qaadir Cali Cumar ay Muqdisho ku sugan yihiin, isla markaana ay ka dambeeyaan falalka nabadgelyo darrada ah ee ka dhacaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online