Talaado,
Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in ay adag tahay in wax laga qabto xaaladda amni darro ee ka jirta Magaalada Muqdisho, sidaas darteedna wuxuu ka codsaday Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka in ay de-dejiyaan Ciidamada ay u dirayaan Soomaaliya, si ay dhaqsi ammaan darrada jirta wax uga qabtaan
Prof. Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in kooxaha dhibaatooyinka ka wada magaalada Muqdisho ay bilaabeen in ay magaalooyinka kale ee dalka ay u sii gudbiyaan weerarada ay qaadayaan, wuxuuse carrabka ku dhuftay in ay kooxahaas ku daba jiraan oo ay baacsanayaan Ciidamada Dowladda Federaalka oo uu xusay in ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Ra’iisal Wasaare Geedi oo ku sii jeeda Magaalada Paris ee dalka France oo uu kaga qeybgelayo shir ay leeyihiin Dowladda Faransiiska iyo Wadamada Afrika ayaa wuxuu sheegay in Dowladda ay diyaar la tahay qorshe ay kaga hortegteyso kuwa dhibaatada ka wada Magaalada Muqdisho, balse ay dowladda u baahan tahay in lagu garab galo meel marinta qorshahaas
Waxaa uu ka hadlay shirka dib u heshiisiineed ee uu dhawaan ku baaqay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna sheegay in shirkaasi uu noqon doono mid looga hadlo khilaafaadka bulshadeed ee kala qeybiyay dadka Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in shirkii Kenya ku soo dhamaaday looga hadlay khilaafaadyadii Siyaasadeed.
Ra’iisal Wasaaruhu waxaa uu sheegay in cid kasta in ay ka qeybgeli doonto shirkaas, gaar ahaan Culumaa’udiinka oo uu ka xusay Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo uu sheegay in ay nabadda jecel yihiin , Ganacsatada, Dhalinyarada iyo Haweenka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in aaney shirkaasi ka qeybgeli doonin sida uu u yiri kooxaha xiriirka la leh Argagixisada, kuwaasi oo uu sheegay in ay tahay in lala dagaalamo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online