Talaado, Febraayo 13, 2007(HOL): Saraakiishii Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku dhaawacmay qaraxii 11-kii bishan ka dhacay fagaaraha Beerta Xoriyadda ee Magaalada Kismaayo ayaa saakay loo duuliyay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, si halkaas loogu soo daweeyo.
Diyaarad khaas ah oo ka timid Magaalada Addis Ababa ayaa dhaawacyadaas looga qaaday garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo , waxaana la sheegayaa in dhaawacyada aysan Saraakiil kaliya ahayn balse ay ku jiraan dad rayid ah oo ay dhaawacyo culus ka soo gaareen Qaraxaas.
Dr. Maxamed Xuseen Diiriye oo ah Dhaqtarka kaliya ee ka howlgala Isbitaalka Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dhaawacyada la qaaday ay ahaayeen kuwo culus oo uusan waxba ka qaban karin Isbitaalka Baydhabo, inkastoo uu caddeeyay in ay u sameeyeen gargaar deg deg ah.
Saraakiisha ku dhaawacantay Qaraxaas ee loo duuliyay Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ka mid ah Jen. Axmed Maxamuud Muuse Cowl, Col. C/llaahi Shiikh Ismaaciil Far-taag, C/llaahi Indho-Qamro iyo C/llaahi Baariyow oo dhawaan loo magacaabay Guddoomiyenimada Maxkamadda Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaarihiisa Cali Maxamed Geedi ayaa shalay Saraakiisha dhaawaca ah ku booqday Isbitaalka Baydhabo, waxayna u xaqiijiyeen in daweyn dibadda ah loo qaadi doono, iyagoo Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo.
Ugu dambeyntiina, Qaraxa lagu dhaawacay Saraakiishan ayaan la soo qaban ilaa iyo haatan ciddii ka dambeysay marka laga reebo in ay Ciidamada Dowladda Federaalka ee Magaalada Kismaayo ka howlgala ay soo xir-xireen dad la tuhunsan yahay in ay wax ka ogaadeen abaabulka Qaraxaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia