Talaado, Febraayo 13, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ayaa mar kale xalay waxay martigelisay weerarro ay kooxo hubeysan ku qaadeen fariisimo ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiinta iyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya, iyadoo weeraradaasina la isugu adeegsaday Madaafiic waa weyn, gaar ahaan kuwa Hoobiyaha.
Goobaha xalay weerarada lagu qaaday waxaa ka mid ahaa guriga Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. C/llaahi Axmed Afrax oo ku yaala Xaafadda Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid, halkaasi cidna waxba kuma noqon, sidoo kale waxaa la weeraray Saldhigga Galgeed ee Degmada Dharkeenley ee Magaalada Muqdisho, iyadana lama soo sheegin wax khasaare ah oo halkaas ka dhashay.
Dekedda weyn ee Muqdisho iyo Xarunta Villa Somalia ayaa iyana madaafiic loola dan lahaa waxaa ay ku dhaceen guryo ka sokeeye xarumahaas, sidoo kale Alle mahaddiis cidna waxba ku noqon madaafiicdaas.
Laakin weerarkii aan goob-jooga u ahaa ayaa wuxuu ahaa weerarkii loola dan lahaa Xarunta Villa Somalia, kaasi oo sababay in markii ay kooxihii hubeysnaa ay madaafiic ku tuureen Madaxtooyada ay iyaguna Ciidamadii ku sugnaa ay ku soo jawaabeen Madfac weyn oo ku dhacay guri ay 6 boos iga xigto, isla markaana firirkii ka soo baxay uu soo gaaray saqafka kore ee guriga aan deganahay.
Waxaa yaab lahayd saakay mar aan booqday gurigii uu xalay Madfaca ku dhacay ee deriska ila ahaa in ay halkaasi soo gaareen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, isla markaana ay dadkii isu soo baxay ula hadleen qaab jees jees sida iyagoo yiri “maxay isaga celin waayeen dadka inta soo dhexgala madaafiicda soo tuuraya, waxay ahayd in xaafaddan oo dhan dhulka la dhigo”. Hadalkaasi wuxuu si weyn u sii walaaciyay dadkii ay xalay Madfaca uga naxsadeen oo markii Ciidamada ka tageen bilaabay in ay ka jawaabaan su’aashii ay Ciidamada weydiiyeen ee ahayd in ay iska qabtaan dadka dhexdooda madaafiicda ka tuuraya, “Annagu ma waxaan tabar u heynaa oo aan wax ka qaban karnaa Dad ordaya oo marba meel wax ka tuuraya oo weliba xili habeen ah socda”sidaas waxaa yiri mid ka mid ah dadkii isugu soo baxay gurigii uu madfaca ku dhacay.
Xalay Madaafiicdii ku dhacday xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho wax khasaare ah ma sababin, inkastoo dadka ku nool meelaha ay wax ku dhaceen ay guryaha ka soo baxeen, isla markaana ay ku walaacayeen banaanka guryahooda, iyagoo sababta ay guryaha uga soo baxeena ku sheegay in ay ka baqayaan in haddii madfac ku soo dhaco guryahooda uu ku sii laba qarxo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia