13 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in la yaqaano Kooxaha ka dambeeya Nabadgelyo darrada ka jirta Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, Febraayo 13, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in la garanayo kooxaha ka dambeeya weerarada lagu qaadayo fariisimada Dowladda, wuxuuna sheegay in haddii ay joojin waayaan weerarada ay Dowladdu tallaabo ka qaadi doonto.

Madaxweyne Yuusuf waxaa uu sheegay in Dowladda ay awood u leedahay in ay tallaabo ka qaado kooxahaas balse ay ka soo horjeedo in ay ku dhex dagaasho dadka Muqdisho oo muddo dheer dagaal iyo dhibaato ku soo dhex jiray, wuxuuse caddeeyay Madaxweynaha in haddii aan la joojin weerarrada ay Dowladdu qasab ku tahay in ay kooxaha nabadgelyo darrada wada ay tallaabo ka qaado, magaaladana ay xasiliso.

Madaxweyne Yuusuf oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da oo xalay hawada soo gashay ayaa wuxuu sheegay in ay nasiib darro tahay in kooxaha qaska ka wada Magaalada Muqdisho ay gacan ka helayaan qeybo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku dhaqan, kuwaasi oo sida uu yiri aan sheegeyne guryaha ku qarinaya.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ay kheyr tahay haddii lala garto oo lala qaato Nabadda iyo dib u heshiisiinta ay wax ku doonayaan, wuxuuse sheegay in haddii taasi la fahmi waayo ay dowladdu danta ku qasbeyso in ay awood isticmaasho oo ay kooxahaas cagta mariso.

Taliyaha Qeybta Koowaad ee Ciidamada Dowladda Federaalka Saciid Dheere iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa horay u sheegay in ay og-yihiin meelaha laga soo abaabulayo weerarada lagu qaadayo fariisimada Dowladda hadana ilaa iyo haatan ma jirto tallaabo ay Dowladda ka qaadeyso kooxahaas oo habeen iyo maalin kasta madaafiic ku weerara goobaha ay ku tuhmayaan mas’uuliyiinta iyo Ciidamada Dowladda Federaalka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, hadalka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xaaladda ammaan ee Magaalada Muqdisho ay tahay mid aan hagaagsaneyn, isla markaana ay taasi qaar ka mid ah dadka rayidka ah ku kaliftay in ay ka qaxaan Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).