13 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Dad ka qaxay Madaafiicda Muqdisho oo Degmada Afgooye gaaray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, February 12, 2007(HOL): Ilaa 40 Qoys oo ka bara-kacay magaalada Muqdisho ayaa waxay gaareen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii ay u dulqaadan waayeen Madaafiic aan loo meel dayin oo habeen iyo maalin kasta ku dhaceysa xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Dadkani oo ka bara-kacay Xaafadaha Al-Baraka, Ceymiska, Suuqa Xoolaha iyo Agagaaraha Villa Somalia oo dhowr jeer oo hore ay madaafiic ku dhaceen ayaa waxay isugu jiraan kuwo doonaya in ay Afgooye sii degaan inta ay meel uga dhaceyso Xaaladda Magaalada Muqdisho, halka kuwo kalena ay doonayaan in ay uga sii gudbaan Magaalooyinka Baydhabo iyo Marka ee gobollada Shabeelaha Hoose iyo Bay.

Qoysaskan ka bara-kacay guryahoodi ayaa qaarkood waxay goob joog u ahaayeen dhibaato ay madaafiicda ku dhaceysa Muqdisho u geysteen Qoysas ay deris amaba ehello ahaayeen, kuwaasi oo Madaafiic aan la ogeyn meel laga soo ganay ay ku dul habsadeen, kadibna ay ka dhigeen kuwo dhintay iyo kuwo dhaawac halis ah uu soo gaaray.

Magaalada Muqdisho, tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Federaalka soo gaartay waxay noqotay xaaladdeeda ammaan mid aan wanaagsaneyn, waxaana dadka uga sii daran dhaca iyo dilalka bareerka ah Madaafiic habeen iyo maalinba la iska tuurayo, kuwaasi oo ku dul dhacaya Dad aan waxba galabsan oo guryahooda iska jooga.

Xalay oo kale Qoys shan ruux ka koobnaa oo uu Madfac kula dul habsaday Xaafadda Ceymiska ee Degmada Yaaqshiid waxaa uu sababay dhimashada Aabihii Qoyskaas iyo Wiil lix sano jir ah oo uu dhalay, halka uu dhaawacay labo caruur ah oo yar yar iyo hooyadii Qoyska, kuwaasi oo haatan lagu daweynayo dhaawacooda Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).