13 C
London
Wednesday, October 15, 2025

SALAAD CALI JEELLE: “Dadka Soomaaliyeed Itoobiya ma necbee iyaga ayaa is-neceb sababtoo ah waxaa nagula eedeyn jiray in aan Itoobiya Xiriir la leenahay, hadana intii aan Muqdisho joognay ayaa Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, February 12, 2007(HOL): Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo maanta ka hadlayay xaflad lagu soo gebagebeynayay seminaar muddo todobaad ah ka socday Magaalada Muqdisho oo lagu baranayay Dib u heshiisiinta iyo Hub-ka-dhigista ayaa sheegay in ka qeybgalayaasha Seminaarka looga baahan yahay in ay ku shaqeeyaan wixii ay barteen, Bulshadoodana ay ugu adeegaan.

Salaad Cali Jeelle oo la dardaarmayay ka qeybgalayaashii Seminaarka oo tiradoodu kor u dhaafeysay 200 oo ruux ayaa wuxuu sheegay in looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii Qaranka Soomaaliyeed loo garab geli lahaa, si uu asaagiis ula tartamo, isagoo caddeeyay in shirka dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda Federaalka ku baaqday uu yahay mid xor ah oo aysan Dowladda Federaalka is-xigsiineynin, wuxuuse sheegay in ay Muqdisho joogaan dad dib u heshiisiinta ka soo horjeeda oo intii uu socday Seminaarka labo jeer weeraray Hotelka Kaah oo uu Seminaarka ka socday.

Salaad Cali Jeelle waxaa uu ka hadlay eedeymaha loo jeediyo Dowladda Federaalka ee ku saabsan in ay xiriir la leedahay Dowladda Federaalka Itoobiya, wuxuuna caddeeyay in aaney dowladda kaligeed xiriir la lahayn, balse ay jiraan dad badan oo xiriir la leh, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay dano ka galeen, “Dadka Soomaaliyeed Itoobiyaanka ma necbee iyaga ayaa is-neceb sababtoo ah waxaa nagula eedeyn jiray in aan Itoobiya Xiriir la leenahay, hadana intii aan Muqdisho joognay ayaa Itoobiya la aaday” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo carrabka ku dhuftay in aan la necbeyn Itoobiya iyo Gaalada balse ay Dadka Soomaaliyeed iyagu is-neceb yihiin.

Hadalka Salaad Cali Jeelle ayaa ku socday Wafdi Beesha Cayr ah oo dhawaan booqasho ku tegay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasi oo wada hadallo la soo qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya.

Dr. Maxamuud Maxamed Culusow oo wafdigaasi ka mid ahaa ayaa markii Muqdisho ku soo laabtay waxaa uu sheegay in ay Itoobiya ku tageen casuumaad uu u keenay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Mr. Syoum Mosfen oo dhawaan Muqdisho booqday, wuxuuna intaas ku sii daray in ay Dowladda Itoobiya ka wada hadleen arrimo ku saabsan sidii meesha looga saari lahaa warbixinno aan jirin oo Beesha Cayr looga gudbiyay Dowladda Itoobiya iyo sidii ay beesha uga qeybqaadan lahayd xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).