13 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Dowladda Federaalka oo beenisay in ay riday Madaafiic ay Dad rayid ah wax ku noqdeen oo Xalay Muqdisho ka dhacday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, February 12, 2007(HOL): Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa beeniyay in ay Dowladda Federaalka ka dambeysay Madaafiic waa weyn oo xalay lagu garaacay Xaafado ku yaala Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay madaafiicdaas rideen dad argagixiso ah oo Muqdisho ku sugan.

Salaad Cali Jeelle waxaa uu sheegay in aysan jirin sabab ay Dowladda Federaalka madaafiic ugu rideyso dadka rayidka ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay mar kasta Dowladda difaac ku jirto oo ay waabiso sida uu yiri kooxaha weerarada ku soo qaada fariisimeeda, kadibna ay ugaarsato.

Hadalka Salaad Cali Jeelle ayaa ku soo beegmaya iyadoo saakay ay sheegeen ehelada qoys madfac uu ku habsaday in Madfaca Qoyskooda baabi’iyay ay soo rideen Ciidamada Dowladda Federaalka, wuxuuna arrintaas Salaad Cali Jeelle ka yiri “Madfacaas waxaa soo riday kooxihii argagixisada ahaa, iyaga ayaana mar shacab iska dhiga oo yiraahda Dowladda ayaa madfac nagu soo riday, marna madaafiicda dadka ku weerara”.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in ay Dowladda Federaalka weli qaab nabadeed ay xal ku raadineyso, isla markaana ay ku howlan tahay sidii ay u kala saari lahayd dadka dhibaatada abuuraya iyo kuwa nabadda doonaya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee Magaalada Muqdisho ayaa habeenkii xalay ahaa waxay marti-gelisay muzal-zal madaafiic ah oo ay wax ku noqdeen dad rayid ah, iyadoo madaafiicdaas oo kuwo culus ahaana ay xalay hurdada ka toosiyeen dadka Muqdisho abaara 3-dii Habeennimo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).