Isniin, February 12, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa maanta Isbitaalka Magaalada Baydhabo ku booqday Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo ku dhaawacmay qarax shalay ka dhacay Fagaaraha Beerta Xoriyadda Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa Saraakiishaas iyo Guddoomiyaha Maxkamadda magaalada Kismaayo oo isna dhaawac uu soo gaaray Alle uga baryay in uu Caafimaad siiyo, iyadoo dhaawacyadooda oo isugu jira kuwo culus iyo fududna lagu baxnaaninayo Isbitaalka Magaalada Kismaayo oo uu ka howlgalo hal Dhaqtar oo lagu magacaabo Dr. Bashiir Maxamed Xuseen.
Saraakiishan Dhaawaca ah oo Baydhabo la soo gaarsiiyay shalay gelinkii dambe ayaa wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in qaar ka mid ah Saraakiishaas oo dhaawacooda uu culus yahay loo duulin doono Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si daweyn fiican loogu helo.
Saraakiisha ku dhaawacantay Qaraxaas ayaa waxaa ka mid ah Jen. Axmed Maxamuud Muuse Cowl, Col. C/llaahi Shiikh Ismaaciil Far-taag, C/llaahi Indho-Qamro iyo C/llaahi Baariyow oo dhawaan loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Magaalada Kismaayo.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, qaraxa lala beegsady Saraakiishaas oo xilal muhiim ah ka haya dalka Soomaaliya ayaa wuxuu ahaa mid aad looga naxay oo lama filaan ku ahaa Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo markii uu Qaraxa dhacayay ku guda jiray soo dhaweynta qaar ka mid ah Saraakiisha oo Kismaayo soo gaaray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia