Isniin, February 12, 2007(HOL):Sida uu u xaqiijiyay HOL Gudoomiyaha degmada Matabaan C/laahi Warsame Daba-gooye waxaa habeenimadii xalay mar kaliya soo galay gudaha degmada Matabaan ciidamo ku hubeysan gawaarida dagaalka ku waasoo sida uu sheegay gabi ahaan kala wareegay gacan ku heynta degmada ciidamadii horay halkaa u sii joogay.
Gudoomiyiha oo u muuqday mid si weyn uga careysan ciidamada soo galay degmada ayaa intaa ku daray in ay yihiin kuwo sida uu hadalka u dhigay ka soo duulay dhinaca Degmada Dhuus-mareeb ee Gobalka Gal-gaduud, waxaana uu sheegay in ciidamadii halkaa joogay ay ku amreen in ay yareeyaan dhaq-dhaqaaqa.
lama oga ilaa hada sababta ciidamadaasi ay ula wareegeen gacan ku heynta Degmada, lakiin Gudoomiyaha oo ay weydiisay HOL waxa uu u maleynayo in arintaasi ay ka danbeeyso ayaa sheegay in ilaa hada aan si dhab ah loo xaqiijin karin, waxaase uu carabka ku dhuftay in gawaarida dagaalka ee hada joogta degmada yihiin kuwo horay uga tirsanaan jiray maxkamadihii bur buray markii danbena lagu wareejiyay Qabaa’ilka.
C/laahi warsame waxaa kaloo uu sheegay in uu ku wargalinayo maamulka degamada Gal-duud in ay arintaa wax ka qabtaan islamarkaana la foojignaado gacan ka hadal arintaa ka dhasha,
Maalmihii aynu soo dhaafnayba waxaa jiray warar laysla dhaxmaryay oo sheegaya in laysku heysto Degmada iyo halka ay ka tirsan tahay, iyadoo maamulka uu madaxda ka yahay C/laahi warsame Dab-gooye ay sheegayaan in Degmada Matabaan ay ka tirsan tahay Gobalka hiiraan halka dhinaca gobalka Gal-gaduudna arintaa siweyn loogu gacan seyray islamarkaana mas’uuliyiin ku sugani sheegaan in degmada Matabaan tahay mid ka tirsan Gobalka Gal-gaduud, waxaana xusid mudan in dhawaan xubno uu hor kacayo gudoomiyaha degmadaasi ay soo gaareen Magaalada B/weyn iyaga oo kulan la qaatan maamulka heer Gobal iyo degmo, taasoo laftirkeeda keeni tuhun la xiriira in arintani ay daba joogto.
dhanka kale iyada oo dhawaan Demada Cadaado ee Gobalka Gal-gaduud uu ka furmay kulan ay soo qaban qaabisay Xarunta Cilmi Baarista iyo Wada tashiga ee CRD laguna dhameynayo colaada Beelaha Sacad iyo Saleebaan ayaa dhanka kale waxaa soo baxaya in labada beelood aysan isku si ugu wada qanac-saneyn sida arinta loo wajahay.
Imaan Xasan Jiirow oo ah Afhayeenka Maamul dhwaantan laga dhisay Gobalka Mudug oo la magac baxay Gal-mudug ayaa sheegay in dhinacooda ay soo dhaweynayaan wada hadalka furmay, islamarkaana dhawaan ay gaari doonaan si ay ugu beeraan gogasha ay fidisay CRD, lakiin Suldaan C/laahi Suldaan Axmed Nuur oo ka soo jeeda dhinaca Beesha Cadaado ayaa sheegay in ay qalad tahay howsha sida uu hadalka u dhigay ay wado CRD islamarkaana hadii aan laga badalin qaabka shirku hada aan wax natiijo ah laga gaari doonin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online