13 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay Sharci lagula dagaalamayo Argagixisada iyo mid Dib-u-heshiisiinta quseeya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, February 12, 2007(HOL): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa waxay ansixiyeen sharci lagula dagaalamayo argagixisada iyo mid khuseeya dib u heshiisiinta.

 

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Madoobe Nuunow ayaa sheegay in ay labadaas sharci ka doodeen Xubnaha Golaha Wasiirrada, isla markaana ay isku af-garteen in ay ansixiyaan sharcigaas.

 

Wasiirka waxaa uu iska fogeeyay in sharcigan oo dhawaan loo hor geynayo Golaha Baarlamaanka si uu u ansixiyo uu yahay mid lagula dagaalamo cid kasta oo ka soo horjeesata Dowladda Federaalka, wuxuuna caddeeyay in ay Dowladda ogoshahay inay mucaarad yeelato oo laga hor-yimaado, balse waxaa uu sheegay in aysan aqbali karin in qaab argagixisinimo looga soo horjeesto.

 

Wasiirka cusub ee Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in aysan Dowladda Federaalka u dulqaadan doonin in weeraro lagu qaado dadka rayidka ah, wuxuuna caddeeyay in ay dowladda tallaabo ka qaadi doonto kooxaha ka dambeeya falalka nabadgelyo darrada ah ee Muqdisho ka dhacaya.

 

Shirka ay isugu yimaadeen Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa ahaa midkii ugu horeeyay ee ay isugu yimaadaan tan iyo markii uu Ra’iisal Wasaare Geedi dhawaan isku shaandheeyay Xubnaha Xukuumaddiisa, waxaana ka muuqday kulankii shalay xubno cusub oo aan horay uga mid ahayn Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Geedi.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).