13 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Weerarro Madaafiic loo adeegsaday oo Dad ay ku dhinteen oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, February 12, 2007(HOL): Habeenkii xalay ahaa Magaalada Muqdisho waxaa ka jiray weerarro madaafiic loo adeegsaday, kuwaasi oo ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah oo ay madaafiicda ugu tageen guryahooda iyagoo hurda.

Xalay Fiidkii hore Kooxo hubeysan ayaa waxay weerar ku qaadeen Saldhiga Booliska Degmada Wada-jir, waxayna halkaasi ku dhaawaceen seddex Askari oo ka mid ah Ciidamadii halkaas ku sugnaa, kuwaasi oo dhawacooda la geeyay Isbitaalka Madiina.

Mar kale oo ku aadaneyd 3:00 habeenimo ayay dadka Muqdisho ku baraarugeen Madaafiic iyo rasaas ay isu adeegsanayaan kooxo weerar ku qaaday Idaacadda Banaadir ee Magaalada Muqdisho iyo Hotel ku dhegan oo Hotel Banaadir lagu Magacaabo. Weerarkaas Idaacadda iyo Hotel-kaba wax dhibaato ah kama soo gaarin marka laga reebo in ay Madaafiicda ku dhaceen dabaqa kore ee Idaacadda.

Intaas kadib ayaa waxaa bilowday madaafiic wax iska caabin u muuqday oo ay ridayeen Ciidamada Dowladda Federaalka, waxayna madaafiicdaas oo ku dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid, gaar ahaan Ceymiska ay sababeen dhimashada Wiil iyo Aabihiis, iyadoo sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray Hooyadii qoyskaas iyo labo caruur ah oo ay dhashay.

Haddaba iyadoo ay Madaafiicdaas dhacayaan, isla markaana ay ku waxyeeloobayaan dad rayid ah ayaa hadana waxaa murugo leh in dadka ku dhaawacma weerarrada habeenkii dhaca aysan suurtagal ahayn in Isbitaal loo qaado, waxaana taasi ugu wacan iyadoo ay waddooyinka loo maro Isbitaallada ay xiran yihiin. Xalay oo kale Qoyska uu Madfaca kula dhacay Ceymiska seddexda ruux ee dhaawaca ka noqotay saakay ayaa Isbitaal la geeyay, gurigooda ayayna ku dhiig baxayeen ilaa 3-dii habeenimo ee xalay.

Xalay Muqdisho waxay ahayd habeen kale oo ay dadku ku waabariisteen naxdin iyo argagax, kadib markii ay meelo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho ay ka dhaceen Madaafiic ay qaar ridayeen Ciidamada Dowladda, halka kuwa kalena ay ridayeen kooxo weeraro ku qaaday xarumo ay bar tilmaameedsanayeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).