Axad, February 11, 2007(HOL): Tan iyo wixii ka dambeeyay markii maamulkii Maxamed Dheere laga wareejiyay Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa soo baxayay falal nabadgelyo darro ah oo ay sameynayaan kooxo burcad ah oo aad moodeyso in ay ka baqi jireen maamulkii Maxamed Dheere oo mid adag ahaa.
Tuulooyin hoos yimaada Gobolka Shabeelaha Dhexe oo dhinaca Gobolka Hiiraan xiga ayaa laga soo sheegayaa kooxo burcad ah oo gaadiidka iyo dadka safarka ah baarta, isla markaana qaata sahayda ay ku safrayaan, waxayna dadka deegaanadaas ay muujinayaan cabasho ku saabsan in laga qabto kooxahaas burcadda ah.
Sidoo kalena, gudaha Magaalada Jowhar ayaa laga soo sheegayaa falal nabadgelyo darro ah, iyadoo dadka ku dhaqan afarta xaafadood ee degmada Jowhar ay joojiyeen in ay habeenkii isu socdaalaan kadib markii ay kooxo burcad ah ay bilaabeen in ay dadka dhacaan.
Falalkan Nabadgelyo darrada ah ee laga soo sheegayo magaalada Jowhar iyo deegaanada kale ee ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo Dowladda Federaalka ay maamul cusub u magacawday Gobolka Shabeelaha Dhexe, inkastoo uusan maamulkaasi weli si rasmi ah u howlgelin.
Muddo shan sano iyo dhowr bilood ah ayaa Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka talinayay maamul uu gar-wadeen ka ahaa Hoggaamiye Kooxeedka Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo Tuulooyinka iyo Degmooyinka hoos yimaada Gobolka Shabeelaha Dhexe ka dhigay mid ammaan ah oo weliba leh adeegyada ay dadku u baahan yihiin sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo weliba Saldhiyo Boolis iyo Maxkamado ay Dadka isku dacweystaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online