10.9 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka oo howlgallo ka bilaabay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, February 11, 2007(HOL): Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa waxay bilaabeen in ay howlgallo ka sameeyaan xaafado ku yaala magaalada Muqdisho oo ay uga shakiyeen in ay ku jiraan kooxo ka dambeeya falal nabadgelyo darro ah oo maalmahan ka dhacayay Magaalada Muqdisho.

 

Howlgalka ay sameynayaan labadan Ciidan ayaa wuxuu yimid kadib markii weerarro lagu qaaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamadaas iyo weliba xarumo ay degan yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, iyadoo sidoo kalena weerarro loo geystay Hotello dhowr ah oo Muqdisho ku yaala.

 

Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan oo ku sugan Xaruntii Villa Baydhabo ayaa xalay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen, waxaana is-rasaaseyn dhexmartay ku dhaawacmay afar ruux oo rayid ah oo haatan dhaawacooda lagu daweynayo Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

 

Weerarka lagu qaaday fariisinka Ciidamadaas waxaa uu keenay in ay saaka xirmaan Waddooyinka isku xira KM4, KM5 ilaa Buulo Xuubey, isla markaana ay ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ay bilaabaan in ay sameeyaan howlgallo ay guryaha ku baarayaan.

 

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo ka hadlay nabadgelyo darrada ku sii baaheysa Magaalada Muqdisho iyo waxa dowladda u qorsheysan in ay ka qabato ayaa sheegay in ay falalka nabadgelyo darrada ah ay ka dambeeyaan kooxo ka haray maxkamadihii Islaamka, “Waxa tegay waa Madaxii Maxkamadaha Islaamka, waxaana Muqdisho ku haray calooshii iyo qeybtii dambe ee Maxkamadaha, iyagana waa in loola dagaalaa sida madaxii loola dagaalamay”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo sheegay in ay qasab tahay in ay Dowladda Federaalka tallaabo ka qaado kooxaha ka dambeeya falalka nabadgelyo darrada ah ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho oo nabad ahayd xiligii ay ka talinayeen Maxkamadihii Islaamka maalamahan xaalkeeda ma wanaagsana, nabadgelyadeeduna faraha ayay ka baxday, waxayna gaartay in maalin cad weeraro lagu qaado fariimo ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiin iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, halka mar sii horeysay weerarada iyagoo gaadmo ah ay dhici jireen xiliga habeenkii.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).