10.9 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Kooxda Xiriirka Soomaalida oo ku baaqay in deg deg Soomaaliya loogu diro

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, February10, 2007(HOL): Kooxda la baxday Kooxda Xiriirka Soomaalida oo shir ku yeeshay magaalada Darusalaam ee dalka Tanzania ayaa waxay ku baaqeen in deg deg ciidamo nabad ilaaliyayaal ah loogu diro Soomaaliya, sidoo kalena ay beesha Caalamka dhaqaale ku bixiso joogitaanka ciidamadaas ee dalka Soomaaliya.

 

Kooxda Xiriirka Soomaalida oo ka kooban Diblumaasiyiin Reer Galbeed iyo Afrikaan ah ayaa waxay sidoo kale ku baaqeen in la qabto shir dib u heshiisiineed oo ay ka qeybgelayaan dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Tanzania Mr. Bernard Membe oo wax ka shir guddoominayay shirkii ay Kooxda Xiriirka Soomaalida ku yeesheen dalkiisa ayaa sheegay in ay Beesha Caalamka dhaqaale ku bixin doonto dalalka Ciidamada u diraya Soomaaliy, isagoo caddeeyay in Ciidamada loo dirayo Soomaaliya ay yihiin kuwo muhiim u ah dib u soo celinta xasiloonidii iyo kala dambeyntii Soomaaliya.

 

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Haweeneyda lagu magacaabo Jendayi Frazer ayaa sheegtay in ay dowladdeeda diyaar u tahay in ay bixiso dhaqaale ay horay ugu ballanqaaday Soomaaliya oo dhan 40 Milyan oo Doollaar, balse waxay xustay in loo baahan yahay in la sii wado geedi socodka dib u heshiisiinta Soomaaliya, iyadoo intaas ku sii dartay in xasilooni loo helo Magaalada Muqdisho oo beryahan qasan ay u fure u tahay xasiloonida dalka Soomaaliya iyo Gobolka Geeska Afrika.

 

Ilaa iyo haatan Dalalka Midowga Afrika oo laga doonayay ilaa 8,000 oo ciidamo ah oo ka howlgalaya Soomaaliya ayaa laga hayaa 4,000 oo Askari oo 1,500 oo ka mid ah ay haatan diyaar la tahay Dowladda Uganda oo qudheeda u baahan in ay ogolaasho ka hesho Baarlamaankeeda. Dowladdo ka mid ah Midowga Afrika oo la filayay in ay ka mid noqdaan dalalka Ciidamada u soo diraya Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in aysan Ciidamo u direynin Soomaaliya, balse ay siyaabo kale uga qeyb qaadanayaan howlgalka nabad-sugida Soomaaliya, waxaana dalalkaas ka mid ah Koofur Afrika, Aljeeriya iyo Liibiya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).