Sabti, February10, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wax ka qabaneyso falalka nabadgelyo darrada ah ee ka jira Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay sheegtay in ay ka dambeeyaan kooxo ka haray Maxkamadihii Islaamka.
Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka wada hadal ku raadisay xal u helida falalka nabadgelyo darrada ah ee Muqdisho ka jira, balse ay taasi suurtoobi weysay, wuxuuna caddeeyay in ay weerari doonaan fariisimada ay ku sugan yihiin kooxahaas.
Salaad Cali Jeelle waxaa uu intaas ku daray in ay Muqdisho ku sugan yihiin rag ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka oo Muqdisho ka abaabulaya falal Nabadgelyo darro ah, wuxuuna ka xusay Raggaas Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka.
Sidoo kalena, waxaa ka hadlay Falalka nabadgelyo darrada ah ee ka jira Magaalada Muqdisho Taliyaha Qeybta koowaad ee Ciidamada Dowladda Federaalka Siciid Dheere, wuxuuna sheegay in ay dowladda dhaqsi tallaabo uga qaadi doonto kooxaha ka dambeeyay nabadgelyo darrada ka jirta Magaalada Muqdisho.
Mar uu ka hadlayay Kooxdii shalay sheegatay in ay ka dambeyso qaraxyada iyo weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in ay dowladda la socoto kooxahaas, isla markaana ay ku weerari doonto meelaha ay joogaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay kooxahaas ahaayeen dhowr nin oo afka duubtay kadibna calamo gubay, taasina aysan waxba u dhimi karin howlgallada Dowladda Federaalka iyo weliba Ciidamada la keenayo Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online