Sabti, February10, 2007(HOL): Abaanduulihii Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Ismaaciil Qaasim Naaji ayaa laga qaaday xilkii Hoggaaminta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana loo magacaabay in uu noqdo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Cumaan.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir guddoominayay shir ay Golaha Wasiiirada ku yeesheen Magaalada Baydhabo, isla markaana lagu soo bandhigayay magacaabista Safiirro iyo Agaasimayaal ay yeelaneyso Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale lagu magacaabay safiirro kale, waxaana safiirradaas ka mid ah Xasan Maxamed Siyaad Barre oo loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen, Maxamed Cali Ameeriko oo loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, halka Muuse Xirsi Faahiye loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Jabuuti.
Xilkii laga qaaday Jen. Ismaaciil Qaasim Naaji ee abaan-duulenimada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa loo magacaabay C/llaahi Cali Cumar (Ina Libaax San-ka-taabte, lamana shaacin sababtii keentay in abaanduulihii hore xilka laga qaado.
Safiirrada uu magacaabay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa ogolaasho looga rabaa madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxayna magacaabistan ku soo beegmeysaa iyadoo uu Ra’iisal Wasaare Geedi dhawaan isku shaandheeyay Xubnaha Golahiisa Wasiirrada kadib markii ay qaarkood ku sifoobeen xil gudasho la’aan iyo si xun u maamulid dhaqaale soo galay Wasaaradaha qaarkood.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay kaloo sheegayaan in Ra’iisal Wasaare Geedi uu sidoo kale magacaabay xilal Agaasimeyaal, inkastoo aysan noo suurtagelin in aan helno magacyada Agaasimayaashaas iyo Wasaaradaha loo magacaabay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online