Khamiis, January 01, 2007(HOL): Dowladda Kenya ayaa difaacday go’aanka ay ku heyso Ganacsade Abuukar Caddaan oo la sheegay in uu dhinaca Maaliyadda ka taageeri jiray Maxkamadihii Islaamka ee laga saaray Deegaanadii ay ka talinayeen ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa ganacsadahaas oo 70 jir ah, isla markaana xanuunsanaya u heysata in uu si sharci darro ah ku galay dalka Kenya, isagoo 26-kii December ee sanadkii hore laga qabtay deegaanka Liboi, xili uu ka sii baxsanayay Dalka Soomaaliya oo awooddii Maxkamadihii uu taageerayay la wiiqay.
Qareenka u doodaya ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo lagu magacaabo James Orengo ayaa ku dooday in si aan wanaagsaneyn loola macaamilay ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo uu sheegay in uu xaq u leeyahay in uu helo magangalyo haddiiba uu ka soo baxay dalkiisa Soomaaliya sababo nabadgelyo dartood, taasina ay tahay mid caalamka oo dhan ka jirta. Shanta bishan ayaa la filayaa in mar kale maxkamad la soo taago ganacsade Abuukar Cumar Caddaan.
Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan ayaa inta uu kiiskiisa ka socdo dalka Kenya waxaa mar la dhigay Isbitaal kadib markii uu xanuunsaday, iyadoo kadibna ay jireen warar sheegayay in ay Isbitaalkii ka kaxeysteen Ciidamada Dowladda Kenya, kuwaasi oo la aadeen meel la ogeyn, kadibna dib u soo celiyay, iyadoo taasina ay si weyn uga xumaadeen ehelada ganacsadaha.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay banaanbax ay dhigeen Ehelada Ganacsadaha, kaasi oo ay ku dalbanayeen in la sii daayo ganacsadahaas oo ay sheegeen in uusan dembi lahayn oo gardarro lagu heysto. Dadkani banaanbaxa dhigay oo ahaa kuwo aan badneyn ayaa taayarro gubayay, isla markaana waddooyinka xirayay, inkastoo markii dambe ay kala ceyriyeen dadkaasi ganacsato uu banaanbaxaas saameyn ku yeeshay goobahooda ganacsi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay uga codsatay Dowlada Kenya in ay xadkeeda xirato, isla markaana ay qab-qabato dadkii ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka, waxayna dowladda Kenya iyadoo codsigaas ka jawaabeysa ay qab-qabatay dad badan oo ay sheegtay in ay isugu jireen kuwo ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka iyo kuwo taageerayaal u ahaa, kuwaasi oo iyagoo maxaabiis ah ay dib ugu soo celisay Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia