12.1 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Dad taageerayay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu rasaaseeyay Degmada Xudur

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, January 01, 2007(HOL): Dadweyne aad u faro badan oo isugu soo baxay in ay taageeraan Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa maanta lagu rasaaseeyay Degmada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasi oo ah meesha uu ka soo jeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Dableyda rasaaseysay Dadkaas banaanbaxayay ayaa la sheegay in ay ka amar qaadanayeen Hoggaamiye Kooxeedka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor) oo isagu mar sii horeysay tegay Degmada Xudur kadib markii uu isaga cararay Magaalada Baydhabo oo uu sheegay in ay ku soo bateen Ciidamo Itoobiyaan ah, isla markaana wax laga qaban waayay dhalinyaro ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle oo ay Ciidamo ka amar qaadayay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Madoobe ay ku dileen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macallin Axmed ayaa sheegay in la xaliyay xiisaddii ka dhalatay rasaaseyntii loo geystay dadkii banaanbaxayay, wuxuuna caddeeyay in Odayaal iyo Waxgarad deegaanka ah oo Aadan Saransoor la xiriiray ay xiisadda qaboojiyeen, iyadoo Aadan Saransoor laga soo weriyay in sababta ay maleeshiyooyinkiisa wax u rasaaseeyeen ay ahayd iyadoo aan wax lagala socodsiinin sameynta banaanbaxa.

Sidoo kalena Banaanbaxyo lagu taageerayay doorashada Shiikh Aadan Madoobe ee Guddoomiyenimada Baarlamaanka ayaa waxay maanta ka dhaceen Degmada Buur-Hakaba iyo Deegaanka Ufurow oo ka wada tirsan Gobolka Bay, iyadoo banaanbaxayaashana ay muujinayeen sida ay ula dhacsan yihiin in Shiikh Aadan Madoobe loo doorto Guddoomiyenimada Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kalena, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa dadka Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in uu ku dadaali doono in meesha laga saaro kala qeybsanaanta ku kala dhex jirta Soomaalida. Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka oo haatan Xildhibaan ah uu ka doonayo in uu ula shaqeeyo sidii uu ula shaqeyn jiray markii uu Xildhibaanka ahaa.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isna ay BBC-da wax ka weydiisay sida uu u arkayo xil ka qaadistii lagu sameeyay iyo doorashada Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka ayaa wuxuu sheegay in xil ka qaadistii lagu sameeyay ay ahayd mid u dhacday qaab aan sharci ahayn, isagoo carrabka ku dhuftay in uusan jirin wax Axdi ah oo uu ku xadgudbay.

Xildhibaan Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu sheegay in aysan xor ahayn Xildhibaanada Baarlamaanka ee Baydhabo fadhiya, sidaas darteedna wuxuu caddeeyay in aysan xil ka qaadis iyo doorasho midna sameyn karin, isagoo intaas ku daray in uu aqbali lahaa haddii ay xil ka qaadistaas u dhici lahayd qaab sharci ah oo uu ku tilmaamay qaab la mid ah qaabkii ay u dhacday doorashadiisa, balse uusan qaadan karin in Xildhibaano sida uu yiri meel la isugu geeyay ay si gacan taag ah xilka uga qaadaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).