12.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid oo xalay ay ku dhaceen Madaafiic Hoobiyayaal ah oo aan la ogeyn meel laga soo tuuray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 09, 2007(HOL): Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ku dhacay madaafiic hoobiyayaal ah oo aan la ogeyn meel laga soo tuuray, kuwaasi oo dhaawac u geystay dad guryahooda iska hurdayay.

Xaafado u dhow Hotel Ramadaan, Ceel Tuba-weyn iyo kuwo kale oo ku yaala Gudaha Deegaanka  Juungal ayaa xalay waxaa ku dhacay dhowr madfac, kuwaasi oo mid ka mid ah uu geystay dhaawaca seddex ruux oo guri ku wada jiray.

Dadka dhaawaca ah ayaa loola cararay Isbitaallada Muqdisho, iyadoo madaafiicdaasna ay si weyn u cabsi geliyeen Dadka ku dhaqan xaafadaha ay madaafiicda ku soo dhaceen.

Madaafiicda ayaa waxay xaafadahaas ku dhaceen xili ay dadka guryahooda ku jireen oo ay qaarkood hurdeen, waxaana ilaa iyo haatan la is-weydiinayaan cidda madaafiicdaas sida ujeeddo la’aanta ah ugu garaacday Xaafadaha ka tirsdan Degmada Yaaqshiid, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in meelaha ay madaafiicdaas ku dhaceen ay yihiin meelo ay degan yihiin Dad rayid ah.

Dhanka kalena, waxaa maanta dib u howlgalay qeybo ka mid ah Wadada 30-ka oo muddo bil ah u xirneyd Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisimo ka sameystay, waxaana maanta lagu arkayaa Wadadaas gaadiidka BL-ka iyo Dadweyne lugtooda ku socda, iyadoo sidoo kalena ay jiraan goobo ganacsi oo si tartiib tartiib ah ay dadkii lahaa u furayaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxay xaafadahaas degeen wixii ka dambeeyay 8-dii bishii hore xiligaas oo uu xaafadahaas ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamada Itoobiyaanka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo kadibna ay Ciidamadu dileen Dad boqol ruux ku dhow oo u badnaa Caruur, Haween iyo Dad Waayeello ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).