12.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Wafdi ka socda Isbaheysigs Dib-u-xoreynta Soomaaliya oo Mareykanka kula kulmay Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Mareykanka

- Advertisement -spot_imgspot_img


Axad, December 09, 2007(HOL): Wafdi ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxay booqasho ku tageen Dalka Mareykanka, halkaasi oo ay kulamo kula qaateen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Mareykanka oo kala ah Donald Bayne, Kieth Allison, Maxine Waters, Norm Coleman, Senator Amy Klobuchar iyo Senator Mark Dayton  iyo madax sare oo ka tirsan xafiiska Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka (State Department ).

Intii ay socdeen kulamada labada dhinac dhexmaray ayay xubnaha ka socday Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya waxay u gudbiyeen Xildhibaanada Mareykanka Dukuminti maqal iyo muuqaal ah, kaasi oo ku saabsan xaaladda uu haatan ku sugan yahay Dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhibaatada ka taagan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“Dhamaan kullamada ay la yeesheen madaxdaas waxay u gudbiyeen dekumenti MAQAL IYO MUUQAAL ah oo la xiriira xasuuqa loo gaystay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka laga barakiciyey guryahoodii iyo bililiqada loo gaystay hantidii shacabka oo laga dhigay wax la bur buriyey iyo wax loo rartay suuqyada Addis Abbaba” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed uu soo saaray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Xubnaha ka socday Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo kala ah Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) oo ah Kaaliyaha Guddoomiyaha Isbaheysiga  iyo Drs. Fowsiyo Maxamed Shiikh oo ah Xoghayaha Xuquuqul Insaanka iyo Danbiyada Dagaalka ayaa sidoo kale mas’uuliyiintii ay la kulmeen waxay kala hadleen sidii ay Dowladda Mareykanka gacan uga geysan lahayd in Ciidamada Itoobiyaanka ay ka baxaan Dalka Soomaaliya.

“Madaxdii ay la kulmeen oo dhan waxay aad uga xumaadeen xasuuqa waxashinimada ah ee lagu hayo Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan markey arkeen sawirrada dadka lagu laayay dagaallada sida Haweeneydii medka ahayd ee la arkay iyadoo uu nuugayo canugeeda oo labo bilood jir ahaa” ayaa mar kale lagu yiri Warsaxaafadeedka uu soo saaray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kaasi oo uu HOL soo gaarsiiyay Saleebaan Colaad Rooble oo ah Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Isbahaysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya.

Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagus heegay in xubnaha labada Aqal ay sheegeen in ay dowladda Ethiopia sharci darro  ku soo gashay Soomaaliya, ayna   tahay wax maanta lala yaabo in qarniga 21aad ay dowlad Afrikaan ah ay ku duusha dowlad kale oo dariskeeda ah, isla markaana ay xasuuq ka geysato.

Ugu dambeyntiina, Masuuliyiinta ka socotay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay kulan la qaateen Garyaqaanno ku xeel dheer arrimaha Xuuqul-Insaanka, kuwaasi oo ay u gudbiyeen Gal ay ku qoran yihiin Dad loo heysto in ay Xasuuq ka geysteen  dalka Soomaaliya.






Saleebaan Colaad Rooble
Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta
Isbahaysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya
suleimanolad@gmail.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).