12.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Sharciga Saxaafadda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 08, 2007(HOL): Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Xaruntooda KMG ah ee Magaalada Baydhabo ayaa gunaanadkii shirkooda waxay ku ansixiyeen Sharciga lagu dhaqi doono Saxaafadda Madaxa Bannaan ee Soomaaliya, kaasi oo intii aysan ansixin mudanayaasha ay doodo ka yeesheen maalmihii aynu ka soo gudubnay.

Sharcigan Saxaafadda oo ay soo diyaariyeen Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wakiillo ka socday Saxaafadda Madaxa Bannaan ayaa waxaa isku soo duba-riday Guddi Baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan Saxaafadda.

Guddoomiye ku xigeenka Guddigaas Xildhibaanad Seynab Maxamed Caamir oo baarlamaanka ka hadashay ka hor intii aan sharcigan la ansixin ayaa waxay Mudanayaasha Baarlamaanka ka codsatay in ay sharcigan ansixiyaan bacdamaa sida ay tiri ay jirto dhibaato ay isku qabaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saxaafadda Madaxa Bannaan.

Xildhibaannada waxay intaas ku dartay in sharcigan uu yahay mid sidoo kale soo af-jari doona walaac ay Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo Saxaafadda ay ka muujinayaan dhibaatooyin la soo gudboonaada Saxaafadda Soomaaliya, iyadoo caddeysay in marka uu soo baxo sharcigan uu soo bixi doono jawi ay Dowladda iyo Saxaafadda ku kala nabad-galaan.

Haddaba kulankii maanta oo ay fadhiyeen 159 Mudane ayaa waxaa sharcigan ogolaaday 145 Mudane, waxaa diiday 6 Mudane,  halka ay ka aamuseen 8 Mudane, wuxuuna intaas kadib uu Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa uu ku dhawaaqay in sharciga Saxaafadda uu Baarlamaanka ka soo baxay, haatan kadibna sharci ahaan loogu dhaqmi doono.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, ansixinta sharcigan saxaafadda lagu dhaqi doono ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan maamulka Gobolka Banaadir uu saxaafadda ku soo rogay sharci dhowr iyo toban qodob ka kooban, kaasi oo ay qodobadiisa ka mid yihiin in aan la sheegi karin howlgallada ciidamada Dowladda iyadoo aaney ka hadlin saraakiil iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, in aan la sheegi karin tiro go’an oo dadka Muqdisho ka barakaca ah iyadoo aan la heynin tiro-koob sax ah iyo qodobo kale oo ay Warbaahinta Muqdisho u arkeen kuwo lagu caburinayo Saxaafadda Madaxa Bannaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).