12.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Kooxo hubeysan oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Buulo-Burte ee Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 08, 2007(HOL): Kooxo hubeysan ayaa waxay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo lagu soo waramayo in ay haatan gacanta ku hayaan Degmadaas.

Kooxaha hubeysan ee la wareegay gacan ku heynta degmada Buulo-Burte ee Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in markii ay Degmada qabsadeen ay sii daayeen maxaabiis ku xirneyd Saldhigga Degmada.

Guddoomiyaha Degmada Buulo Burte C/casiis Duurow oo ay HOL la xiriirtay isagoo ku sugan magaalada duleedkeda ayaa sheegay in  magaalada gacan ku heynteeda lagala wareegay, isal markaana ay gacanta ku dhigeen kooxo hubeysan, isagoo intaas ku sii daray in Dadka degmada ay Bililiqo u geysteen Saldhigga Degmada kadib markii ay albaabada  u fureen kooxihi qabsaday.

Guddoomiyaha ma sheegin cidda ay yihiin Kooxahan Hubeysan ee weerarka ku soo qaaday, waxaase loo maleynayaa in ay isku meel ka soo wada jeedaan Kooxo dhawaan weerar ku qaaday Deegaanka Beero-yabaal ee Degmada Buulo-Burte, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

La wareegidda Kooxahan hubeysan ee Degmada Buulo-Burte ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaan uu deegaano ka tirsan Degmada Buulo-Burte uu socdaal ku soo kala bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) oo haatan dib ugu noqday Magaalada Beledweyne, kaasi oo qudhiisa intii uu ku sii jeeday Magaalada Beledweyne jidka loo galay ciidamadii galbinayay, kadibna uu halkaas iska hor-imaad ka dhacay.

Ugu dambeyntiina, muddooyinkan dambe waxaa ku soo kordhaya Deegaannada Gobolka Hiiraan falal nabadgelyo-darro ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay dhowr jeer gudaha Magaalada Beledweyne ay ka dhaceen qaraxyo lala beegsaday mas’uuliyiinta ugu sareysa Gobolka, inkastoo aysan wax khasaare ka soo gaarin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).