12.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay ka baxay qeybo ka mid ah Wadada 30-ka oo ay muddo bil ah ku sugnaayeen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 08, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo muddo bil ah ku sugnaa qeybo ka mid ah Wadada 30-ka ee Magaalada Muqdisho ayaa halkaas isaga baxay habeenkii xalay ahaa, iyadoo Wadadaasina uu saaka dib uga bilowday isu socodkii dadka iyo gaadiidka.
 
Ciidamada Itoobiyaanka oo ku sugnaa Isgoysyada Al-Baraka, Black Sea, Baar Ubax ilaa Isgoyska Cali Kamiin ayaa xalay saqdii dhexe halkaas isaga baxay iyagoo dib ugu laabtay xeerooyin ay horay uga soo baxeen oo kala ah Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Xarunta Wasaaaddii Gaashaandhigga.

Dadkii deganaa Xaafadaha ay ka baxeen Ciidamada Itoobiyaanka ayaa saaka markii ay maqleen inay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxeen xaafadahooda ay bilaabeen in ay soo eegtaan guryahooda oo ay ugu dambeysay muddo bil ka hor ah.

Dad soo booqday guryahooda oo ku yaala agagaaraha Isgoysyada Black Sea iyo Baar Ubax ayaa sheegay in ay Ciidamada Itoobiyaanka burburiyeen guryahooda iyo goobahooda ganacsiga, isla markaana ay qaateen qaar ka mid ah alaabihii guriga u yaalay.

“Waa Alle mahaddiis haddii ay naga tageen Ciidamadii Itoobiyaanka, hanti waa la helayaa, waxaase nooga daran in ay na dul-deganaadaan”sidaas waxaa yiri mid ka mid ah Dadkii saaka guryahooda soo eeganayay kadib markii ay ka tageen Ciidamadii Itoobiyaanka.

Laakin waxaa jira dad weli baqdin qaba oo aan iyagu guryahooda soo eegan, kuwaasi oo ka cabsi qaba in ay mar kale ku soo laabtaan Ciidamada Itoobiyaanka, sida dhawaan dhacday oo kale, markaasi oo  Ciidamada Itoobiyaanka oo  wax xooggaa ka durqay Isgoyska Al-Baraka ay labo dhalinyaro ah oo doonayay in ay guryahooda soo eegtaan ku sirmeen, kadibna labadii dhalinyarada ahayd ay ciidamadu dileen.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxay xaafadahaas degeen wixii ka dambeeyay 8-dii bishii hore xiligaas oo uu xaafadahaas ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamada Itoobiyaanka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo kadibna ay Ciidamadu dileen Dad boqol ruux ku dhow oo u badnaa Caruur, Haween iyo Dad Waayeello ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).