12.1 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Kooxo Burcad Badeed ah oo Markab ku heysta Xeebta Boosaaso oo diiday in ay isa soo dhiibaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 08, 2007(HOL): Waxaan weli lagu guuleysan in Kooxo Burcad Badeed ah oo heysta Markab ay qafaasheen ay isu dhiibaan maamulka Puntland, waxayna Kooxahan Burcad Badeedka ah ay ku doodayaan inay mag-dhow ka rabaan shirkadda leh markabka ay heystaan oo khasaare naf iyo maal leh soo gaarsiiyay.

Kooxahan Burcad Badeedka ah ayaa waxay ku doodayaan in Markabka ay heystaan oo la yiraahdo M.V Mori uu ka jiiray Shabaag ay ku kalluumeysanayeen, sidoo kalena uu ka dilay seddex ruux oo watay howlahooda kaalluumeysiga, waxayna caddeeyeen in aysan isa soo dhiibeynin, isla markaana uu wada hadal u socdo iyaga iyo Shirkadda Markabka leh.

Hayeeshee Wasiirka Dekedaha Maamulka Puntland Saciid Maxamed Raage oo ka hadlay shuruudaha ay soo qadimeen kooxahan Burcad Badeedka ah ayaa sheegay in aysan jirin wax madax furasho ah oo la siin doono, isla markaana haddii ay isa soo dhiibi waayaan gacanta loola tegi doono, Markabka ay haystaana laga sii deyn doono.

Wasiirka waxaa uu intaas ku daray in Kooxahan Burcad Badeedka ah ay yihiin kuwo Isbaheysi ah oo xitaa leh wakiillo u jooga magaalooyinka Nairobi iyo Dubai ee Dalalka Kenya iyo Isu Tagga Imaaraadka Carabta, wuxuuna caddeeyay in ay in muddo ah Maraakiib iyo Doomo ku qafaalanayeen Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo si looga sii daayo laga siiyaya lacag madax furasho ah oo aad u tiro badan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maalintii shanaad ayay Kooxahan Burcad Badeedka ah ku sugan yihiin Xeebta Boosaaso oo ay dhawaan yimaadeen kadib markii ay soo ceyrsadeen Maraakiib ay leeyihiin Dowladaha Mareykanka iyo Jarmalka, kuwaasi oo  ilaalo ka haya Xeebaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).