12.1 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Mid ka mid ah ka qaybgalayaasha Shirkii Dib-u-heshiisiinta Muqdisho oo Somaliland Xabsiga u taxaabtay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 08, 2007(HOL): Taliyaha Booliska Somaliland Col. Maxamed Saqadhi Dubbad, ayaa xaqiijiyey in Booliska Garoonka Diyaaradaha Berbera ay xabsiga u taxaabeen Boqor Raabbi Yuusuf Cabdilaahi, oo ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay Shir ay Dawladda Ku-meelgaadhka ah ee Somalia ku qabatay Magaalada Muqdisho, Isla markaana waxa loo soo gudbiyay dhinaca Magaalada Hargeysa, waqti uu sida la sheegay ka soo kicitimay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Boqor Raabbi Yuusuf oo ka mid ah Madax-dhaqameedyada Somaliland, oo ka qayb galay shir ay Dawladda ku-meel gaadhka ah ee Somalia ku sheegtay dib-u-heshiisiin lagu soo afjarayo khilaafaadka ka taagan Muqdisho, oo ay ku qabatay isla Magaalada Muqdisho, kaas oo aanay wax natiijo ahi ka soo bixin, ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sababaha uu arko xadhigiisa, hase yeeshee, wuxuu sheegay inuu ku laabtay dalkiisii.

Dhinaca kale, Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad, ayaa sheegay in Dawladda Somaliland ay hore sharci uga soo saartay ka qayb galayaasha Shirarka noocaas ah, Boqor Raabbina la hor geyn doono Sharciga, waa sida uu yidhiye.
 
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).