12.1 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Agaasimaha Idaacadda Qur’aanka Kariimka oo maalintii todobaad Xabsi ku jira

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco,December 07, 2007(HOL): Waxaa maalintii 7aad xabsi ku jira Agaasimaha Idaacadda Qur’aanka Kariimka ee magaalada Muqdisho Yuusuf Shiikh Maxamed Barrow, kaasi oo ay xireen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Agaasimaha ayaa isagoo ku soo jeeday Xarunta Idaacadda waxaa laga qabtay agagaaraha Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid, iyadoo kadibna loo gudbiyay Xabsiga Baarista Xisbiga.

Xariga Agaasimaha Idaacadda Qur’aanka Kariimka (IQK) waxaa si weyn walaac uga muujiyay Hay’adaha Warbaahinta iyo kuwa u dooda Xuquuqda Aadanaha ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka codsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya in si shuruud la’aan ah u sii deyso Yuusuf Shiikh Maxamed Barrow oo isagoo aan wax dembi ah lagu helin xabsi ku jira.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay soo gaareen Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxaa soo badanayay tacaddiyo loo geysanayo Wariyayaasha iyo mas’uuliyiinta Idaacadaha Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood la xiray, la jird-ilay, isla markaana la handaday, iyadoo ay xusid mudan tahay in sanadkan 2007 lagu dilay Soomaaliya ilaa 8 Suxufi oo isugu jiray Wariyayaal iyo madax Idaacadeed.

Ugu dambeyntiina, in ka badan 20 Suxufi oo ka cararay dhibaatooyinka ka jira Magaalada Muqdisho, isla markaana gaaray Magaalada Hargeysa ayaa lagu amray in ay isaga baxaan Somaliland kadib markii uu Maamulka Somaliland ku eedeeyay in ay bilaabeen in ay ka shaqeeyaan xumeynta Xiriirka Somaliland iyo Itoobiya.

Wariyayaashan oo hal guri wada deganaa ayaa waxaa loo qabtay inay muddo shan maalmood ah uga baxaan Somaliland, iyadoo amarkaasina ay si weyn uga xumaadeen Ururrada Saxaafadda Somaliland iyo weliba Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).