Xog uu soo uruuriyay Gudiga Xuququl-Insaanka iyo Xog uruurinta Xadgudubyada Golaha Dhaqanka Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye
Khamiis, December 06, 2007(HOL): Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Xog-uruurinta Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa maanta wuxuu magaalada Muqdisho ku soo bandhigay xog ku saabsan Khasaaraha uu geystay Dagaal Muqdisho ka dhacay intii 08//11/07-25/11/07, kaasi oo geystay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac dad aad u faro badan.
Haddaba warsaxaafadeed uu soo saaray golahan oo saxaafadda loo qeybiyay ayaa wuxuu u qornaa qaabkan:
Gudiga xuquuqul insaanka & xog uruurinta xadgudubyada ee Golaha dhaqanka & midnimada Hawiye, ayaa loo magacaabay in uu u howl-galo ururinta & diiwaan gelinta khasaarihii iyo tacadiyada ay geysteen aan dagaalada ciidamada itoobiya iyo kuwa dowlada ay ka wadaan gobalada koofureed gaar ahaan Gobalka Banaadir.
Gudiga waxuu halkaan ku soo bandhigayaa qiimeyn uu ka sameeyay khasaarihii uu geystey dagaalakii ugu dambeeyey ee Muqdisho, kaasoo geystey dhimasho, dhaawac, xabsi, barakac, kufsi, jirdil, boob hantishacab iyo tacadiyo ka dhan ah bini’aadanimada.
Gudiga wuxuu soo aruuriyay xogta soo socota, xogtaasoo ka bilaabaneysa 08//11/07-25/11/07 waana sida hoos ku qoran:
XASUUQ DADWEYNE.
A : Dhimasho:-
Shacabkii lagu xasuuqay duulaankii ciidamada Itoobiya iyo TFGda oo is kaashanaya ay ku qaadeen inta badan degmooyinka Muqdisho 08/11/07 ayaa waxaa lagu dilay dad rayid ah oo garaya 317 qof oo isugu jira caruur, haween, dad da’ah, dilkaasoo isugu jira mid bareer ah oo loo geystay shacab laga soo aruuriyay xafadahooda iyada oo qaarkood dhuunta laga bireeyay, halka qaar kalana laga soo toogtay meel fog, waxaa taa ka sii daran iyada oo xaafado qaarkood laga helay dad isku xeran oo ay dileen ciidamada Itoobiya.
B : Dhaawac:-
Dhaawaca ka dhashay duulaankaas wuxuu gaarayaa in ka badan 1298 qof oo isugu jira dhaawac culus iyo mid fudud una badan dumar, caruur, waayeel.
BARAKAC
Dadka muqdisho degan oo lagu qiyaasay 2,400,000 qof ayaa horay waxaa ugu bara kacay 1,000,000 qof halkii dagalkii ugu dambeeyay uu barakiciisu yahay 450,000 qof kaasoo ka dhigeysa barakaca ilaa hada muqdisho 1,450,000 qof, iyadoo barakacana uu weli ka sii socdo Muqdisho, dadkaasoo la ildaran biyo la’aan, cunto la’aan, iyo cuduro ay ka mid yihiin shuban biyood iyo amaan daro ay kala kulmayaan maleeshiyada Dowladda.
BOOBKA HANTIDA DADWEYNAHA
Hantida shacabka muqdisho laga boobay laga soo bilaabo 08/11/07-25/11/07 ayaa waxaa lagu qiyaasaa $ 13,000,000 hantidaas oo ah mid gaar ahaaneed sida Shirkado ganacsi, Bakhaaro, Dukaamo, oo dhamaantooda la jabsaday lana boobay. Sidoo kale waxaa hantidaan laga soo bililiqystay guryhii ay ka soo bara kaceen shacabka reer muqdisho.
4. ADEEGYADA BULSHADA OO KU XERMAY DAGAALADAN.
A:- Isbitaalada
Tirada isbitaalada ku xermay waxa ay gaarayaan in ka badan Toban isbitaal oo waaweyn waxaana ka mid ah
Al-Xayaat
Carafaat
Ayaan
Al-Xikma
Xasan Jiis
Al-Nuur
Shifo
Atlantic
Muqdisho Volentary
B:1: Goobaha waxbarashada.
Tirada iskuulada Hoose/dhaxe/sare ee ku xermay dagaalada waxa ay gaarayaan 149 iskuul, tirada ardada dhiganaysay waxa ay gaarayaan 27.120 oo hada wax barasho la’aan ah iyadoo tirada xiisooyinka hada baaqday ay gaarayaan 250,320 xiisadood, sidoo kale tirada macalimiinta ee wax ka dhigaysay iskuuladaas waxay gaarayaan 1052 Macalimiin, halka shaqaalaha ka shaqeynayay ay gaarayaan 587 shaqaale .
B:2: Jaamacadaha iyo machadyada.
Tirada jamacadaha iyo machadyada sare ee ku xermay dagaaladaan waxay gaarayaan in ka badan 10 jamacadood waxaana ka mid ah
Jaamacada Muqdisho
Jaamacada Banaadir
Jaamacada Dhayibah
Jaamacada Faaruuq
Machadka Simad
Machadka Xayaat
Machadka Al-Dacwah
Tirada ardayda dhiganaysay Jaamacadahaas iyo Machadyadaas waxay gaarayaan 5150 oo wax barasho la’aan ah hada, iyadoo tirada xiisadaha baaqday ay gaarayaan 612 xiisadood .
B:3: Dugsiyada Qur’aanka.
Tirada dugsiyada qur’aanka xermay waxa ay gaarayaan in ka badan 630 Dugsi Qur’aan iyadoo tirada caruurta wax ka baranayay ay gaarayaan in ka badan 18.900 caruur
B:4:Masaajidyada
Tirada masaajidyada lagu cibaadeysto ee ku xermay dagaaladan waa 84 masjid.
5. SHACABKA KU XIRAN XABSIYADDA MUQDISHO.
Xabsiyada muqdisho waxaa buuxdhaafiyey dadweyno laga soo qab-qabtey Jidadka, Suuqyada,guryaha, Masaajidyada, iyo goobahooda ganacsiga kuwaasoo aan wax dembi gelin lakiin inta badan loo xeraayo qaab ganacsi oo sii deyntooda la dhaasanayo lacago, taasoo u eg khafaalashadii madax furashada aheyd.
Tirada dadweynaha ku jiro xabsiyada muqdisho waxaa lagu qiyaasay 1205 Qafood, oo isugu jira waayeelo, dhalinyaro iyo caruur, iyada oo qaar kamid ah maxaabiistaas loo dhoofiyay Itoobiya halka kuwa kale aan la garaneynin meesha ay ku sugan yihiin.
6. XADGUDUBYADDA AADMINIMADA KA BAXSAN
Xad gudubyada loo geystay dadka aan waxba geysan waxaa ka mid ah:
Jirdil loo geystay dad socda wadooyinka iyo kuwo laga soo qab-qabtay gur yahooda.
Meedad banaanka yaala oo la diiday in la’aaso kuna qurmay goobihii lagu dilay.
Kufsi loo geystay gabdho loogu tagay guryahooda iyo kuwo laga soo qab-qabtay suuqyadda.
Madaafiic waaweyn oo loo adeegsaday goobaha shacabka ay dagan yihiin madaafiicdaas oo ay ka mid yihiin Hoobiyayaal, BM, Madaafiicda Goobta, I.W.M .
7. CODSI BEESHA CAALAMKA
A: Waxaaan beesha caalamka gaar ahaan ( UN, AU, EU,Jaamacada carabta iyo ururka islaamka ), iyo hay adaha xuquuqul insaanka ka codsaneynaa in ay usoo diraan Somaliya gudi baara xasuuqii ka dhacay muqdisho iyo tacadiyada joogtada ah ee loo geysanayo shacabka muqdisho, talaabana laga qaado cidii geysatay xasuuqaas.
B: waxaan beesha caalamka iyo Hay’adaha samafalka ka cod saneynaaa in ay gar gaar bin’aadanimo lasoo gaarsiiyo dadka soomaaliyeed ee ku barakacay dagaaladii ka dhacay magaalada muqdisho kuwaasoo ku dhibaataysan daafaha magaalada iyo gobaladda halkaas oo ay ku heyso Cunto la’aan, Hoy la’aan, iyo Daawo la’aan
Ilaha Xogtan laga helay
Goobaha caafimaadka .
Idaacadaha iyo Saxaafada Muqdisho.
Hay’adaha u dooda Xuquuqul Insaanka.
Hay’adaha waxbarashada.
Kormeer goobihii dagaallada ka dhaceen
Kormeer goobihii loo barakacay.
Wareysi dad goobjoog ahaa.
Gudiga Xuququl-Insaanka iyo Xog uruurinta Xadgudubyada
Golaha Dhaqanka Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye