12.1 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Xukuumadda Somaliland oo wax ka bedeshay go’aankii ay dalka kaga saaraysay 21 Suxufi oo reer Muqdisho ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 06, 2007(HOL):  Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay muddo ku dartay waqtigii ay markii hore u qabatay inay Somaliland kaga baxaan 21 Suxufi oo reer Muqdisho ah, oo ka soo baro kacay Magaalada Muqdisho, isla markaana muddo ku sugnaa Magaalada Hargeysa.

Suxufiyiintan oo uu taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland amar ku bixiyay inay muddo 24 saacadood gudahood ah kaga baxaan Somaliland . Iyaga oo lagu eedeeyay inay ku kaceen arrimo wax u dhimaya Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ka dhaxeeya, ayaa la sheegay in waqtigii loo qabtay ee 24-ka saacadood ahaa, laga dhigay muddo 5 maalmood ah inay kaga baxaan Somaliland.

Inkasta oo aanay xubnahan Suxufiyiinta ahi ka hadal arrintan, ayaa haddana waxa jira dareeno isa soo taraya oo ay ka bixinayaan dadweynaha reer Somaliland , gaar ahaan reer Hargeysa amarkan lagu soo rogay Suxufiyiintan.

Badi ra’yul-caamka dadka ayaa ka soo hor jeeda arrintan, isla markaana ku tilmaamay inay tahay tallaabo lagu degdegay. “Waxay ahayd haddii mid ka mid ahi wax dembi ah galay, inay Dawladdu shaqsigaa Sharciga la tiigsato, hase ahaatee arrintani waa mid lagu degdegay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Hargeysa, oo aan wax ka waydiiyay dareenkiisa ku aaddan arrintan.

Shalay ayaa la sheegay in Taliyaha Booliska Somaliland uu tegay guriga ay degan yihiin suxufiyiintani. Isla markaana uu indhihiisa ku soo arkay Xubnahani.
 
Barkhad M. Kaariye    Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland .

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).