11.8 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Golaha Midnimada Soomaaliyeed iyo Madaxweynaha Dalka Finland oo ka wada hadlay Arrimaha Dalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img


Khamiis, December 06, 2007(HOL):  Xubno ka tirsan Gudiga Fulinta ee Golaha Midnimada Soomaaliyeed ayaa Xarunta madaxtooyada Finlanad waxay kula kula yeesheen Madaxweynaha Finland Marwo Tarja Kaarina Halonen.

Kulanka ayaa  looga wada hadlay xaaladda Wadanka Soomaaliya iyo qaabka ay Dawladda Finland uga qeyb qaadan karto nabadeynta Dadka iyo Shacabka soomaaliyeed, iyadoo weliba sidii ay Dowladda Finland gacan uga geysan lahayd wax u qabashada Dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.

Xubnaha ka socday Gudiga Fulinta ee Golaha Midnimada Soomaaliyeed ee kulanka la qaatay Madaxweynaha Finland waxay ka warbixiyeen marxaladda uu haatan ku sugan yahay Dalka Soomaaliya, iyadoo Guddiga uu si gaar ah uga codsaday marwo Tarja Kaarina Halonen sidii ay Dowladda Finland kaalmo Bani’aadannimo u gaarsiin lahayd Dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka barakacay Caasimadda Muqdisho.

Sidoo kalena Xubnaha Guddigan waxay kala hadleen Madaxweynaha Finland sidoo ay Dowladda Finland gacan uga geysan lahayd sidii ay Kooxaha isku haya Hoggaanka Soomaaliya loo heshiisiin lahaa, iyadoo codsigaasina ay soo dhaweysay Marwada Madaxweynaha ka ah Dalka Finland.

Xubnaha ka socday Gudiga Fulinta ee Golaha Midnimada Soomaaliyeed ayaa waxay muujiyeen sida ay uga xun yihiin in aaney Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya aysan u soo kordhin wax horumar ah oo laga gaaray dhinaca nabadeynta Soomaaliya, marka laga reebo in ay Shacabka Soomaaliyeed oo colaadaha ka soo daalay ay u geysteen xasuuq, barakicin iyo burburinta adeegyadii yaraa ee ay gacmahooda ku sameysteen sida Iskuulladii , Isbitaalladii Jaamacadihii iyo weliba adeegyadii kale ee Bulshada ee awalba liitay.

Madaxweynaha Dalka Finland Marwo Tarja Kaarina Halonen ayaa waxay sheegtay in dhamaan codsiyada loo soo jeediyay ay yihiin kuwo si gaar ah loo tixgelinayo oo markaasina ay Dowladdeedu ka shaqeyneyso sidii xal waara loogu heli lahaa arrinta murugsan ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Dalka Finland Tarja Kaarina Halonen ayaa waxay tahay madaxweynihii 11aad ee dalka Finland, waana Haweeneydii ugu horeysay ee dalkaas Madaxweyne ka noqota, waxaa jagadaas loo doortay sanadkii 2000, mar kale ayaa dib loo doortay sanadkii 2006, waxayna xilkan heyn doontaa ilaa sanadka 2012.



Afhayeenka Ururka
Sead Guled
Helsink, Finland

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).