11.8 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Xaaladda Nabadgelyo ee Soomaaliya ay ka soo reyneyso

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 06, 2007(HOL):  Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadad Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo isagoo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya u waramayay Warfidiyeennada ayaa sheegay in xaaladda Nabadgelyo ee Soomalaiya ay ka soo reyneyso.
 
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa hadalkan sheegay kadib kulan uu magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Condaleezza Rice iyo weliba Ra’iisal Wsaaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Seyoum Mosfen.

Nuur Cadde waxaa uu sheegay in nabadgelyo haatan ka jirta Soomaaliya ay ku timid sida uu hadalka u yiri tagaeerada ay Soomaaliya siiyeen Shacabka iyo Dowladda Itoobiya, “marka laga soo tago dhibaatooyin yar oo jira oo hadda isha lagu hayo inta kale dhibaatadii Soomaaliya ka jirtay 16-ka sano waxay mareysaa meel dhamaad ah”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Ra’iisal Wasaaraha oo sii hadlayay waxaa uu Wariyayaasha u sheegay in wada hadallo uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen ay uga hadleen xiriirka labada dal iyo sidii ay isu kaashan lahaayeen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay wada hadalladooda ku dhamaadeen jawi wanaagsan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen oo isna saxaafadda kula hadlay Addis Ababa waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliya oo muddo dheer fowdo ku jiray haatan loo gudbinayo jawi xasiloon, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Dadka ku dhaqan 14 Degmo oo ka mid ah 16-ka Degmo ee Gobolka Banaadir ay Nabadgelyo ku raaxeysanayaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyntiina Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxaa uu sheegay in kulan uu la qaatay Condaleezza Rice uu ahaa mid muhiimad gaar ah lahaa, isla markaana ay ay isaga iyo Dr. Rice isla soo qaadeen arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, isagoo caddeeyay in uu ka codsaday Mareykanka in uu hormuud ka noqdo taageerada heer Caalami ah ee la siinayo Soomaaliya, haddii ay ahaan lahayd Gargaarka Bani’aadannimada iyo hadii ay ahaan lahayd Xasilinta iyo Dib u dhiska Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).