Khamiis, December 06, 2007(HOL): Ciidamo ka tirsan ilaalada Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Kooxaha kacdoonka ka wada qeybo ka mid ah Goballada dhexe ayaa gelinkii danbe ee shalay waxaa uu dagaal culus ku dhax-maray Aga-gaarka Degmada Hal-gan ee Gobalka Hiiraan sida HOL uu u xaqiijiyay Wariye Cilmi Max’ed Waare oo la socday Gudoomiyaha Gobolka.
Inta la Og-yahay ilaa 4 Qof ayaa ku dhimatay dagaalka, iyadoo Ciidamada Guddoomiyaha Gobolka ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah Kooxihii dagaalka la galay oo warar is khilaafsani sheegayaan in markii dambe Ciidamadu dileen.
Ciidamada la dagaalamay Kooxaha kacdoonksan ayaa hordhac u ahaa Ciidamo xoog leh oo galbinayay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo ku soo jeeday Magaalada Beledweyne kadib safaru uu ku soo kala bixiyay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolku ka kooban yahay, waxaana lagu soo waramayaa in hadda Guddoomiyuhu soo gaaray Degmada Hal-gan halkaasoo uu wada hadallo kula leeyahay Odayaal iyo Wax-garad ka tirsan Degmada.
Inkastoo ay jireen warar ku saabsan in kooxo kacdoon wada ay ku sugan yihiin inta u dhaxeysa Degmooyinka Buula-burte iyo Hal-gan ayaa hadana Dagaalkii dhacay Galinkii dambe ee shalay waxaa uu muujinayaa saameynta Kooxahani ku leeyihiin Jidka isku xira Gobalada dhaxe.
Dabayaaqadii bishii ina dhaaftay ayay ahayd markii uu Dagaal Qaraar ku dhax-maray inta u dhaxeysa Degmooyinka Matabaan iyo Gure-ceel Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo loo maleynayo in ay la xiriirsan yihiin Maxkamadihii Islaamiga ee laga awooda roonaaday dabayaaqadii sanadkii hore.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia