11.8 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Maxaa Isbitaalka loo dhigay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, mise jirtaa in uusan caafimaadkiisa wanaagsaneyn?

- Advertisement -spot_imgspot_img

(Dhaqtarka daweynaya oo ka hadlaya)

Arbaco, December 05, 2007(HOL): Wakaalaha Wararka Caalamka iyo Warbaahinta ka howlgasha gudaha Dalka Soomaaliya ayaa shalay ilaa xalay waxay hadal hayeen war ku saabsan in xaaladda caafimaad ee madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed aysan hagaagsaneyn, isla markaana mar uu shalay Nairobi gaaray Isbitaal loola cararay.
 
Haddaba markii uu warkaas soo baxay ayaa waxaa ka daba yimid warar kale oo warkaas lagu beeninayo, kuwaasi oo bixiyeen Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ninka lagu magacaabo Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) iyo Dhaqtarka daweynaya Madaxweynaha oo la yiraahdo Dr Mauro Saio.

Afhayeenka Madaxweynaha waxa uu sheegay in xaaladda caafimaad ee madaxweynaha ay tahay mid wanaagsan oo aanan ahayn sida loo sheegay, wuxuuna caddeeyay in madaxweynaha markii uu Baydhabo ka duulayay uu qabay Hargab, isla markaana uu qufacayay, hayeeshee uusan qabin xanuun kale oo uu Isbitaal u galay.

Sidoo kalena, Dr Mauro Saio oo ah Dhaqtarka Madaxweynaha ku daweynaya Isbitaalka Nairobi ayaa u sheegay Jariidada The East African Standard in Madaxweynaha uu kaliya Xabadka ka qabo Infection, isla markaana laga daweynayo, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay in xaaladda caafimaad ee madaxweynaha ay tahay mid aad u daran.

“Madaxweynaha markii uu noo imaanayay waa uu qufacayay, wuxuuna naga codsaday in aan u sameyno baaris caafimaad oo caadi ah ka hor inta uusan u duulin Dalka Ingiriiska oo uu u socdo”ayuu yiri  Dr Mauro Saio.

Ugu dambeyntiina, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda u amba baxo Magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu sanadkiiba mar u tegi jiray baaris caafimaad.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).