11.8 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Saldhigga Galbeed ee Degmada Dharkeenley oo xalay Kooxo hubeysan ay weerareen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 05, 2007(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen Saldhigga Galbeed ee Degmada Dharkeenley, iyagoo halkaasina ku dhaawacay Askari ka tirsan Ciidamadii Saldhigga joogay.
 
Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Macallin C/llaahi Cali ayaa xaqiijiyay weerarkaas, wuxuuna sheegay in uu labada dhinac dhexmaray iska hor-imaad socday muddo saacad ah, kaasi oo sida uu yiri markii dambe ay ku adkaadeen Ciidamadii Saldhigga joogay ee la soo weeraray.

Dadka degan agagaaraha Saldhigga Galbeed ee Degmada Dharkeenley ayaa sheegay in xalay aysan seexan, isla markaana dagaalka halkaas ka dhacay uu ahaa mid aad u culus oo muddo saacad ah socday, kaasi oo weliba sida ay yiraahdeen la isku weydaarsaday rasaas xooggan.

Saaka markii uu waaga baryay kadib ayaa waxaa deegaanka Dabaqeynka ee Degmadaas isku fidiyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaasi oo baaritaano ku sameeyay guryo halkaas ku yaala, iyadoo guryaha qaarkoodna ay dadka ka kaxeysteen.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay yimaadeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah waxaa ka dhacay Qaraxyo iyo weerarro lala beegsado Baabuurta ay isticmaalaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya iyo weliba dilal loo geysto dadka la shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).