12.9 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Caawi Maxamed C/qaadir C/llaahi oo ay la soo deristay dhibaato caafimaad-darro

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 04, 2007(HOL): Max’ed C/qaadir C/laahi oo ah wiil da’ yar oo ku  nool Gobalka Hiiraan ayaa waxaa la soo darsay dhibaato dhinaca caafimaadka ah, gaar ahaan dhinaca Mindhicirrada ama (Intestinal Fucntion)  taasoo keentay in uu awoodi waayo in uu si caadi ah u saxaroodo.
 
Max’ed C/qaadir sida ay sheegeen Eheladiisa waxaa mar sii horeysay lagu sameeyay Qaliin kaasoo aan lagu guuleysan, sidoo kale waxaa ay sheegeen Eheladiisa in la tusay dhibaatada heysta qaar badan oo ka mid ah dhaqaatiirta ka howl-gasha gudaha dalka, kuwaasoo ugu danbeytii sheegay in Max’ed C/qaadir u baahan yahay in uu helo  kaalmo caafimaada oo dibada ah si wax looga qabto xaaladiisa oo ah mid aad u culus.
 
Dhaqaatiirta ka howl-gasha Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho oo ugu danbytii arkay xaalada caafimaada ee Max’ed C/qaadir ayaa iyagu sheegay in hadii aan sida ugu dhaqsiyaha badan loogu helin Kaalmo caafimaad oo heer caalima ah laga yaabo in xaaladu ka sii xumaado halka hada ay joogto.
 
Sidaa daraadeed dhamaan Jaaliyadaha iyo dadka Muxsiniinta ah ee aragta Qoraalkan waxaa laga codsanayaa in ay caawiyaan Wiilka yar ee dhibaateysan si markaa loo bad-baadiyo nolashiisa (Hadii uu Alle Idmo)
 
Gaar ahaan waxaa uu si toos ah codsigani u quseynayaa hey’adaha ku shaqada leh arimaha caafimaadka si wax looga qabto xaalada caafimaad ee Max’ed C/qaadir.
 
kala soo xariir Emailka:
abdulahiyusuf5@hotmail.com  oo aad ka heli karto faa-faahin dheeraad ah oo ku saabsan xaalada Max’ed C/qaadir C/laahi oo ku sugan Gobalka Hiiraan.

Warqadda Dhaqtar

 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).