Talaado, December 04, 2007(HOL): Fariisin ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa weerar xooggan ku qaaday Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda siyaasadaha Dowladda Federaalka iyo weliba joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
Ciidamada Dowladda ee la weeraray ayaa waxay ku jireen xero ku taala agagaarka Hotel Gurguurte ee Degmada Yaaqshiid, waxaana halkaas xalay saqdii dhexe laga maqlayay rasaas xooggan oo ay labada dhinac is-weydaarsanayeen.
Dad ku sugan deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday fariisinka Ciidamada Dowladda uu sababay dhimashada labo wiil oo wada dhashay iyo dhaawac soo gaaray Aabahood, kuwaasi oo dhamaantood ay waxyeeleysay rasaas guryahooda ugu tagtay.
Saaka markii uu waaga baryay kadib ayaa waxaa la arkayay Ciidamo tiro badan oo howlgallo ka sameynayay xaafadaha u dhow xeradaas iyo weliba xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa oo u dhow halka lagu magacaabo Barxadda Jaayga.
Ciidamada ayaa xaafadaha ay howlgallada ka sameeyeen waxay ka kaxeysteen dad aad u tiro badan oo dhalinyaro u badnaa, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn meel ay Ciidamadu la aadeen.
Wuxuu ahaa weerarkii labaad oo todobaad gudahiis lagu qaado fariisinka ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin agagaarka Hotelka Gurguurte ee Degmada Yaaqshiid, dhawaan ayayna markii ay sidoo kalena Kooxo hubeysan weerar ku soo qaadeen.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay yimaadeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah waxaa ka dhacay Qaraxyo iyo weerarro lala beegsado Baabuurta ay isticmaalaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya iyo weliba dilal loo geysto dadka la shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia