12.9 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Wasiirro ka tirsan Xukuumaddii uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo is-casilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 04, 2007(HOL): Ilaa iyo shan Wasiir oo ka tirsanaa Xukuumaddii uu soo dhisay Ra’iisal  Wasaare Nuur Cadde ayaa xilalkii loo magacaabay iska casilay, kadib markii sida ay yiraahdeen ay u cuntami waayeen xilalka loo magacaabay.
 
Xubnaha iska diiday xilka loo magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Xasan Maxamed Nuur (Shaargaduud) oo loo magacaabay, Wasiirka Amniga Qaranka, Xildhibaan Cabdi Kaafi Xasan oo loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Ganacsiga, Xildhibaan Shiikh Aadan Madeer oo loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dib U heshiisiinta, Xildhibaan Ibraahim Maxamed Isaaq oo loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Xildhibaan Shiikh Jaamac Xaaji Xuseen oo loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Awqaafta.

Wasiirradan is-casilay waxay dhamaantood sheegeen in uusan u qalmin beel ahaan xilka looga magacaabay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna waxay caddeeyeen in aysan diyaar u ahayn in ay xilkaas qabtaan, inkastoo ay xusid mudan tahay in ay xilalkan u dhaarteen markii loo magacaabay.

Xildhibaan Xasan Maxamed Nuur Shaargaduud oo wax laga weydiiyay sababta uu isaga casilay xilka loo magacaabay ee uu waliba u dhaartay ayaa sheegay in xilka Wasaaradeed ee loo magacaabay uu yahay mid aan jirin oo magac-u-yaal ah, wuxuuna taasi ku sababeeyay in Taliska Booliska uu hoos-tago Wasaaradda Arrimaha Gudaha, sidoo kalena uu jiro Talis ku shaqo leh Nabad-sugidda Qaranka, “Aniga marka la ii magacaabayo xilka Wasaaradda Amniga Qaranka oo aan jirin ma waxaan ku maamulayaa Diyaaradaha Cirka socda, haddiiba ay jiraan Hay’addo ammaanka ku shaqo leh”ayuu yiri Xildhibaan Xasan Maxamed Nuur (Shaargaduud).

Xildhibaan Shaargaduud oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in aan qeybsiga awoodda dalka aan si siman loogu qeybin Beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna tibaaxay in beelo gaar ah ay isku koobeen Taliyayaasha Ciidamada, Safiirrada iyo weliba Agaasimayaasha Dowladda, sidaas darteedna ay u muuqato cadaalad darro badan oo ka dhex jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxay inta badan ka timid Baarlamaanka gudahiisa, waxaana baarlamaanka dibaddiisa ka yimid xubno yar oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cali Xaamud oo ah nin la soo shaqeeyay dowladdii hore ee Mileteriga iyo weliba Dowladdii KMG ahayd ee Cali Mahdi Maxamed.

Dad badan oo ka faalooda arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa waxay Xukuumaddan u arkayaan mid aan wax badan ka duwaneyn tii uu hoggaaminayay Prof. Cali Maxamed Geeddi, inkastoo ay ka meesha ka maqan yihiin xubnihii taageersanaa Ra’iisal Wasaarihii hore, kuwaasi oo uu kaliya Xukuumaddan cusub kaga jiro Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa markii loo magacaabay Xilka Ra’iisal Wasaarenimada waxaa uu sheegay in uu soo dhisi doono Xukuumad tiro yar oo tayo leh oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka samatabixin karta dhibaatada ay ku jiraan, hayeeshee waxaan ilaa iyo haatan loo jeedin meesha ay tayada ka leedahay Xukuumadda uu soo dhisay oo u badan Xukuumaddii hore.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).