-0.7 C
London
Thursday, November 20, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Baydhabo ku laabtay kadib safarro uu ku soo kala bixiyay Dalalka Kenya iyo Ingiriiska

- Advertisement -spot_imgspot_img

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed

Isniin, December 31, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay kadib muddo todobaadyo ah oo uu safarrro caafimaad ku maqnaa.

Madaxweynaha ayaa magaalooyinka Nairobi iyo London wuxuu u tegay baaris caafimaad, iyadoo magaalada Nairobi looga daweeyay Burukiito ku xumaatay, halka Magaalada London ee Dalka Ingiriiskana uu u tegay baarista caafimaad oo uu sanadkiiba mar isku sameyn jiray.

Madaxweyne Yuusuf ayaa markii uu gaaray magaalada Baydhabo waxaa uu kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), inkastoo aan faah-faahin laga bixin waxyaabihii ay seddexdaas mas’uul ka wada hadleen, marka laga reebo in ay kala war-qaadanayeen.

Dib ugu soo laabashada Magaalada Baydhabo ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu saacadaha soo socdo ku dhawaaqi doono Xukuumad tiro yar oo uu soo dhisay kadib markii la saluugay Xukuumaddii uu horay u soo dhisay oo ka koobneyd 73 Wasiir.

Xukuumadda uu soo dhisayo Ra’iisal Wasaaraha oo ka kooban 18 Wasiir ayaa waxaa loo qeybsanayaa 4.5, iyadoo afarta beelood ee la sheego in ay waa weyn yihiin ay qaadanayaan min afar wasiir, halka labada soo hartayna ay qaadaneyso Beesha Barka lagu tilmaamo.

Hayeeshee waxaa su’aali ka taagan tahay sida ay Beelo ku qanci waayay Xukuumadihii tiro badanta ahaa ee soo maray Dowladda Federaalka, isla markaana sheegi jiray in sed bursi lagu sameeyay ay ugu qanci karaan Xukumaad aad u tiro-yar, waxaana la saadaalinayaan in Xukuumaddan tirada yar ay khilaafaad ka dhex abuuri doonto Beelaha Soomaaliyeed ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).