Isniin, December 31, 2007(HOL): Marka laga yimaado Jidhaanta ka samaysantay goobta ay ka soo burqanayaan, inta aanad gaadhin isha bar bilowga u ah, waxa dhawr Mitir kaaga hor imaanaya qulqulka biyaha sunsumaya. Kuwaas oo Gal ka samaystay mid ka mid ah godad ku yaala badhtamaha waddada oo aan sidaa uga fogayn. Tarshadda ay tuurayaan Taayirada Baabuurta waddada maraya ee ku dhacaya galkaa ceegaaga, ayaa ah mid dhoojaysay agagaaraha Jidkaas oo ah mid burbursan.
Goobtu waa Hargeysa, gaar ahaan mid ka mid ah degmooyinka Magaalada. Qasabadda jabtay waa Beebabkii muddo aan dhawayn la aasay midkood, Daxalka iyo madowga saaran oogada sare ee beebka jabay marka la halacsado, ayaa la garanayaa inuu yahay mid muddaba aasnaa, isla markaana ay dibedda u soo saareen cagta dadka iyo baabuurta dul marayay. “Shalayba markii ay Qasabaddani jabtay, waanu la hadalnay Wakaalladda Biyaha, balse ilaa hadda cidna looma soo dirin” tibaaxdaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka la deriska ah qasabaddan jabtay. Sidaan filayo, goobtan aan ka waramayaa maaha madasha kaliya ee sidan biyo uga idlaadeen, hase ahaatee waa inta ogaalkay ah amaba aan la kulmay, haddii aan si kale u idhaahdana, aan igu maqaalo ahayn, ee aan indhaha saaray.
Akhriste, xusuusnow, waqtiga ay biyahani cidlada ku dhammaadeen, waa maalin ka dib markii uu dhawaaq ka soo yeedhay qaar ka mid ah Iimaamada Masaajidada Hargeysa, oo sheegay inay Wakaaladda Biyaha Hargeysa Masaajidadaa ka jartay Biyihii.
Qof kastaa wuxuu isweydiin karaa sababta kalliftay inay Wakaalladda Biyaha Hargeysa biyaha uga goysay Masaajidadan? Hase ahaatee, Iimaamada ka cawday Jaritaanka Biyaha ee Masaajidada ay hor joogayaasha ka yihiin, ayaa ku tilmaamay in Wakaaladdu cudur-daar ka dhigatay in aanay D/Hoose ee Hargeysa oo u xil saaran bixinta lacagta xaddiga Biyaha ah ee ay Masaajidadu isticmaalaan, aanay xaraynin lacagtii.
Inkasta oo Masuul ka tirsan Wakaaladdu dedafeey jiritaanka warkaas, haddana akhriste wali ma joogsanin Iimaamada sheegaya xaqiijinta warkaa. Iimaamka Masjidka guriga Shaqaalaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa ugu dambeeyay. Isaga oo sheegay in Wakaaladda Biyuhu ku soo dallacday lacag xaddigeedu ka wayn yahay jeebka iyo dhaqaalaha Masjidkan, oo aanu bixin Karin.
Warkan Jaraa’iddadu marar kala duwan oo hore ayay qoreen, hase ahaatee Masuuliyiinta sare ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa, oo uu ugu horeeyo Maareeyaha Wakaaladdu, ayaa u muuqda kuwo aamus ka galay ka hadalka arrintan. Taasina waxay xoojinaysaa jiritaanka Warkan, sababtoo ah aamusnaanta ayaa la rumaysan yahay inay badh ka tahay qirashada.
Si kastaba ha ahaatee, isweydiinta meesha ku jirta ayaa ah, Maxay Wakaaladda Biyaha Hargeysa u qaban wayday biyaha daadanaya, inta Mudanta waa Masaajidka’e, qaarkood biyaha laga jarayo. “Ma ahayn in Wakaaladdu biyaha ka jarto Masaajidada qaakood, isla markaana ay ku soo dallacdo biil aanay awood u lahayn Iimaamyadu, hase ahaatee haddiiba ay lacagtu badatay, waxay ahayd inay kala xaasho cidda u xil saaran arrintan” weedhaha waxa fikirkiisa ku aaddan arrintan ku cabiray mid ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa, oo dabcan tallaabo qaldan u arkay.
Isku soo wada duuboo, haddiiba ay Masuuliyiinta sar-sare ee Wakaaladdu aanay arrintan ka hadal, ama aanay tallaabo ka gedisan tan ay hadda qaadeen ku tallaabsan, waxay bulshada qaar badan oo ka mid ah ula muuqanaysaa mid ay Masuuliyiinta Xukuumaddu, gaar ahaan inta ay sida tooska ah u hoos tago arrinkani raali ku wada yihiin in Waysada laga gooyo badi Masaajidada Magaalada iyadoo siyaabo kale loogu raadin karo dhaqaale wakaalada ka caawiya wax soo saarkeeda.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland






