Isniin, December 31, 2007(HOL): Qarax loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ayaa goor dhaweyd waxaa uu ka dhacay Isgoyska Bakaaraha ee Degmada Hodan, iyadoo la soo sheegayo in qaraxaas uu geystay waxyeello soo gaartay Sarkaal iyo Ciidamo uu watay oo ka tirsan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Warar aanu ka helnay goob-joogayaal ku sugnaa meel u dhow halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxay noo sheegeen in Col Faarax Cabdulle Gacal (Garamgaram) oo madax u ah Ciidamada Dowladda ee Isgoyskaas ku sugan uu ku dhintay qaraxaas, iyadoo sidoo kalena ay dhaawacyo soo gaareen qaar ka mid ciidamadii ilaalada u ahaa iyo weliba dad rayid ah oo Isgoyskaas marayay.
Qaraxa ka dhacay Isgoyska Bakaaraha oo ahaa mid aad u xooggan ayaa dhawaqiisa waxaa laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Muqdisho, wuxuuna qaraxan ku soo beegmay iyadoo xalay uu magaalada Muqdisho ka dhacay Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada Itioobiya iyo kuwa AMISOM iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, kaasi oo qaar ka mid ah madaafiicdii la isugu adeegsanayay ay baabi’iyeen qoysas ku dhaqnaa xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe waxaa ku soo badanaya qaraxyada lagu dilayo mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana maalmo ka hor qarax miino lagu dilay Afhayeenkii maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali, kaasi oo miino loogu aasay iridka garaash uu baabuur kala soo baxayay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa waxay Muqdisho joogaan muddo sanad iyo seddex maalmood ah, ilaa iyo haatanna waxaa lagu weeraraa fariisimada ay Muqdisho ku leeyihiin, iyadoo ay xusid mudan tahay in dagaallo xooggan oo Muqdisho ka dhacay ay salfadeen nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, halka ay ku barakaceen dad kumaan kun ah oo qaarkood ay haatan ku nool yihiin hareeraha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






