0.3 C
London
Thursday, November 20, 2025

Dagaallo culus oo xalay ka dhacay fariisimo ay Ciidamada Dowladda Federaalka, Itoobiya iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 31, 2007(HOL): Dagaallo xooggan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ka dhaceen fariisimo ay magaalada Muqdisho ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo weliba kuwa AMISOM.

Xalay Fiidkii ayaa waxaa mar kaliya weerarro is-xig-xiga lagu qaaday Garoonka Kubadad Cagta Muqdisho Stadium iyo Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga oo fariisin u ah Ciidamo Itoobiyaan ah, iyadoo sidoo kalena weerar lagu qaaday Xeradii Guul-wadayaasha oo ay degan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, halka fariisin ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Isgoyska KM4 iyadana weerar kale lagu qaaday.

Weerarradaas oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa sheegtay in uu ka dambeeyay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, waa sida lagu soo qoray Website uu Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ku gudbiyo wararkiisa iyo Dacwooyinkiisa, kaasi oo lagu magacaabo Almujaahid.com

Dagaallada xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxay ahaayeen kuwo si weyn u cabsi geliyay dad yar oo degan meelo u dhow halka ay dagaalladu ka dhaceen, kuwaasi oo qaarkood ay guryahooda ka carareen kadib markii ay u adkeysan waayeen madaafiicda xooggan ee ay labada dhinac isu adeegsanayaan.

Lama sheegin ilaa iyo haatan khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo dagalkii xalay ka soo gaaray dhinacyadii dagaalamay, waxaana taasi ugu wacan iyadoo xiliga uu dagaalka dhacayay uu habeen ahaa, isla markaana ay dadka guryahooda ku jireen.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Captain Paddy Ankunda oo wax laga weydiiyay weerarkii xalay lagu qaaday Ciidamadooda ku sugan Isgoyska KM4 ayaa wuxuu sheegay in weerarkaas ay ku soo qaadeen kooxo aad u hubeysan oo watay gaadiid dagaal, wuxuuna ku faanay in ay iska difaaceen kooxihii soo weeraray, isagoo caddeeyay in aysan jirin wax khasaare ah oo dagaalkaas ka soo gaaray.

Marka laga soo tago weerarrada xiriirka ah ee ay Kooxaha hubeysan ku qaadaan fariisimada Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka wuxuu ahaa weerarkii labaad oo lagu qaado Ciidamada AMISOM tan iyo markii ay Muqdisho yimaadeen bishii Maarso ee sanadkan maanta kaliya ay ka harsan tahay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).