13.2 C
London
Sunday, October 12, 2025

Maxay tahay sababta ay Ciidamada Itoobiya u soo degeen Deegaanka Kala-beyr ee Gobolka Hiiraan?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 31, 2007(HOL): Deegaanka Kala-beyr oo 30km dhinaca W/galbeed kaga beegan Magaalada Beledweyne marka aad eegto Istiraatiji ahaa waxaa goob ku wacan in si weyn looga koontaroolo dhaq-dhaqaaqa ka jira Guud ahaanba Gobalada dhaxe iyo waliba dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya maadaama ay ku kala leexdaan Jidadka loogu kala safro Gobalada Bartamaha Soomaaliya iyo waliba kan dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Gaar ahaan Degmada Feer-Feer.
 
Waxaa maalintii shalay Deegaankaasi lagu arkay Ciidamo Cusub oo ah kuwa Itoobiya oo soo degay sida warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan  Mana ah mid horay looga bartay Ciidamada Itoobiya gaar ahaan marka la eego fariisinka ay halkaa ka dhigteen.
 
Hadaba iyada oo laga warqabo in Ciidamada Itoobiyaanku soo baneeyeen Goobo ay horay fariisimo ugu lahaayeen sida Degmada Guri-ceel oo kaliya ayaa hadda lays-weydiinayaa sababta keentay in ay soo dagaan Deegaanka Kala-beyr.

Dabcan waxaa la oran karaa ma’jiro Qof si dhab ah u ogaan kara Sababta iyo ujeetada ka danbeysa dhaq-dhaqaaqa Ciidamada Itoobiyaaku ka bilaabeen Gobalada dhaxe, lakiin sida ay ku waramayaan shaqsiyaad si gaar ah ugu dhaw Ciidamada Itoobiya waxaa jiray maalmihii aynu soo dhaafnayba in Kooxo is biirsaday oo ka soo horjeeda Joogitaanka Ciidamada Itoobiyaaku ka wadeen qeybo ka mid ah Gobalada dhaxe dhaq-dhaqaaqyo Ciidan gaar ahaan halka lagu magacaabo Kala-beyr oo dhawr jeer oo hore lagu weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Federaalka oo halka fariisin ku lahaa.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaaku ka war-heleen in uu jiro isku day la doonayo in halkaa looga gudbiyo Hub iyo Rasaas kooxaha ku kacsan Dowlada Itoobiya ee iyagu ka dagaalama qeybo ka mid ah dhulka Ismaamulka Tusaale ahaan waxaa dhawaan lagu soo qabtay Deegaanka Kala-byer gaari Noociisu ahaa (Rooneyd) kaasoo ay saarnaayeen noocayda Hub oo ay ka mid ahaayeen Walxaha Qarxa kuwaasoo sida wararku sheegayaan la doonayay in ganacsi loo geeyo dhulka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Laakiin marka laga soo tago in Ciidamada Itoobiyaaku halkaa u joogaan la socoshada dhaq-dhaqaaqa Ciidan ee ka jira Gobalada dhaxe, ayaa dhanka kale waxaa oran karaa Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee deegaanka Kala-beyr waxaa ay muhiim u tahay in Ciidamadu ka sii foojignaadaan Kooxo isku daya in ay dhaxda u galaan marka ay baxayaan Ciidamada hadda ka jooga  Gobalada dhaxe oo warar soo baxaya sheegayaan in lagu soo badalayo kuwo cusub.

Inkastoo mar walba laga yaabo in Ciidamada hadda jooga Deegaanka Kala-beyr dib ugu laabtaan dhinaca Degmada Feer-feer ayaa hadda waxaa hubaal ah in aysan aheyn kuwo wadda faarujin doono fariisikooda Gobalka Hiiraan oo ah halka hadda ay ku sii harsan yihiin marka laga hadlayo Bartamaha Soomaaliya,  waana dhab in Maalmihii aynu soo dhaafnay ay soo ifbaxeen kooxo ka soo horjeeda Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada Federaalka ee ku sugan Gobalada dhaxe oo la leeyahay waa tan keentay in Ciidamada Itoobiyaaku Bilaabaan dhaq-dhaqaaq u eg mid lagula soconayo xalada Nabad-galyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).