13.2 C
London
Sunday, October 12, 2025

Af-duubayaasha heysta Samafalayaashii u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain oo lacag madax-furasho ah dalbaday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 30, 2007(HOL): Af-duubayaasha heysta samafalayaashii u shaqeynayay Hay’adda Dhaqaatiirta aan Xuduuda lahayn ee SMF-Spain ayaa waxay dalbadeen lacag madax-furasho ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa Warfidiyeennada u xaqiijiyay in ay af-duubayaasha lacag madax-furasho ah dalbadeen, “waan la xiriirnay af-duubayaasha, waxayna noo sheegeen in ay samafalayaasha wanaagsan yihiin, waxayna dalbadeen lacag madax-furasho ah, balse ma jiri doonto lacag madax-furasho ah oo la siin doono”ayuu yiri Madaxweyne Cadde Muuse.

Ciidamada Ammaanka Ammaanka Puntland oo weli ku daba-jira kooxaha af-duubayaasha ayaa waxay rasaas is-weydaarsadeen kooxaha wax af-duubtay, iyadoo la soo qabtay labo ka mid ah kooxihii af-duubka geystay, waa sida uu sheegay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Axmed Siciid Aw-Nuur.

Af-duubayaasha Soomaalida ayaa la sheegay in aysan si xun ula dhaqmin, isla markaana dilin dadka Ajaaniibta ah ee ay qafaashaan, waxayna u arkayaan il dhaqaale oo ay ku heli karaan lacag fiican, waxaana taasi lagu ogaaday af-duubyo ay horay u geysteen oo dadkii ay ku qabsadeen lacag looga sii daayay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, maamulka Puntland ayaa wuxuu dadaal ugu jiraa sidii si nabadgelyo ah loogu sii deyn lahaa samafalayaasha u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Marcediz iyo iyo Pilar, waxaana sii deynta labadaas gabdhood u jooga magaalada Boosaaso Diblumaasiyiin ka socda Dalalka Spian iyo Nairobi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).